KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Mid kamida Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo lagu magacaabo Sacdiyo Salaad Samatar ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu shacabka ku marin-habaabinayo balan-qaad been ah oo uusan u fulin karin, taasoo ah doorasho qof iyo cod ah inuu dalka ka qaban doono 5 bilood kadib.
Saraakiisha Kumaandooska DANAB ayaa sheegay in dhowr xubnood oo katitsan Al-Shabaab ay ku qabteen howlgalka oo laga fuliyay nawaaxiga magaaladda Hobyo, ee gobolka Mudug.
Taliyaha Ciidanka booliska ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay isbedello lagu sameeyay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Sheekh Shariif, oo soo noqday Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Al-Shabaab dhaqaalo ahaan ay intii hore ka xoog badan tahay maanta, canshuurna ka qaadaan ganacsatada Muqdisho iyo goobaha ay dowladda maamusho.
Taliyaha ayaa sheegay in ay Al-Shabaab dagaalka kaga dileen 17 xubnood oo uu ku jiro sarkaalkii qaabilsanaa Gobolka Baay oo lagu magacaabo C/casiis Isxaaq Nuurow (Abuu Yaxye).
Ugu yaraan 5 ruux oo uu ku jiro abaan duulihii qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Maxamed Isxaaq Aadan ayaa ku geeriyooday dagaalkii shalay ka dhacay Deynuunaay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, walow aan khasaaraha dhinaca Al-Shabaab laheynin.
Mas'uuliyiinta amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay inay khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab, islamarkaana ay Ciidamada iska caabiyeen weerarka.
Ilaa hadda cid sheegatay majirto weerarka, balse Ciidamada amaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in ay ku raad joogaan.
Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxay Ciidamada Danab ka fuliyeen degaanka Koban oo hoostaga degmada Jamaame ee Gobolka Jubada Hoose.
HirShabeelle ayaa doorasho cusub galaysa dhamaadka sanadkan 2020, iyadoo aysan xalin dhibaatadeeda, waxaana lagu eedeeyaa Waare xil-gudasho la’aan iyo musuq-maasuq.
Degmada Kaaraan ayaa waxa ku sugan Malleeshiyaad hab beeleed u abaabulan, oo shacabka ku haya dhibaatooyin sii xoogeysanaya oo maamulka ka wax qaban waayay.
Lama oga sida Abiy Axmed uga aqbali doonaan dhinacyada uu quseeya howlgalka Midowga Afrika, sida dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.