KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Coldoon ayaa ku caanbaxay safamalka dadka duruufaha gaarka ah haystaan, isagoo safaro ku taga Muqdisho, Puntland iyo meelo kale oo dalka kamid ah.
HARGEYSA, Soomaaliya - Waxaa Maanta 2 sano kadib xoriyadiisa dib u helay Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo u xirnaa maamulka Muuse Biixi, oo ninkan u arkay qodax inuu ku noqday dimuraadiyadda iyo madaxbanaanida ay sheegato Somaliland.
Coldoon ayaa la xiray sanadkii hore billowgiisa, iyadoo lagu soo eedeeyay inuu bartiisa Facebook ku sheegay in Xarunta Waxbarashadda Abaarso oo uu aas-aasay nin Mareykanka ah lagu faafiyo diinta Kirishtaanka.
Sidoo kale, waxuu ku eedeeyay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa [Hargeysa Cultural Centre] inay u dooda, oo faafinayso LGBT, inay dadka isku jinsiga ah is-guursadaan, taasoo ah dhaqan gaallo oo lasoo minguuriyay.
Sanadkii hore mar ayaa lasoo daayay, laakiin Maxkamadda Racfaanka ayaa diiday, oo dalbatay in xabsigiisa labada sano ah uu dhameysto, waxaana hadda laga baqayaa inuu sii wado howshii lagu soo xiray, ee ahayd eedeynta maamulka Somaliland.
2017 waxaa loo xiray inuu Farmaajo Muqdisho kula soo kulmay doorashadiisii kadib, iyadoo Somaliland sidoo kale u aragta Coldoon inuu khatar ku yahay madax-banaanida ay sheegato iyo jiritaankeeda.
Somaliland ayaa inta badan xirta dadka diidan gooshadeedda, dhalinyarada baraha bulshadda caanka ka ah iyo fanaaniinta taga Xamar, kuwaasoo aan siyaasadda waxba kala socon, balse saameyntooda in laga faa'ideyso ay dhaawacayso maamulka Hargeysa.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.