War laga soo saaray hubka lala galo Garoonka Aadan Cadde

Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay hubka lala galo gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Warar Keydmedia Online
War laga soo saaray hubka lala galo Garoonka Aadan Cadde

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalaka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay hubka lala galo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, oo gudahiisa ay dhaceen dhowr dhacdo oo kamid ah dilkii Almaas Elman sanadkii tagey.

Saraakiisha sare ee dowladda Soomaaliya ayaa iyagoo la baarin oo wata Ilaaladooda toos u gali jiray Garoonka, oo amnigiisa AMISOM gacanta ku hayso.

"Wasaaradda Amniga XFS ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, marka laga reebo ilaalada madaxda Sare ee Qaranka.ka," ayaa lagu yiri qoraal Wasaaradda soo saartey.

Saraakiisha Ciidamada, Shaqaalaha Wasaaradaha, Xildhibaanada iyo cid kasta oo dowladda Soomaaliya katirsan hubna haysata si toosa ayey gudaha ula gali jireen, laakiin amarkan ayaa noqon doona mid looga nasto hubka tirada badan ee gudaha lagu dhex wato.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.