Wasiir Is-casilay waxyar kadib magacaabistiisa

Muuse Biixi ayaa dhawaan isku shaandheyn ku sameeyay Gollahiisa Wasiiradda, isagoo xilalka ka qaadey xubno hore oo Mucaaradka kamid ah.

Warar Keydmedia Online
Wasiir Is-casilay waxyar kadib magacaabistiisa

HARGEYSA, Soomaaliya - Baashe Cawil oo Muuse Biixi Khamiistii u magacaabey Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu xilkaas iska-casiley.

Sababta Go'aanka is-casilaadiisa ma uusan sheegin, balse warara Keydmedia Online helayso ayaa sheegay inuu saluugay jagada, isagoo rabey inuu noqdo wasiir buuxa.

Baashe ayaa sidoo kale sheegay inuu iska-casiley xilkii Wakiilka Somaliland ee Kenya oo tan iyo 2018 hayay, waxaana uu uga mahaceliyay Muuse Biixi magacaabistiisa.

Qoraalka Baashe, halkan hoose ka akhri:

Waxaan halkan kuugu soo gudbinayaa qoraalkan aan iskaga casilayo xilka aad iigu magacawday Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda  iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Sidoo kale waxaan iska casilay xilkii Wakiilnimada Xafiiska Somaliland Ee Dalka Kenya, kaas oo bishii August 13 2018 aad ii magacowday.

Waa sunnaha siyaasida in shaqada qaranku tahay qori isku dhiib, sidaad darteed  sharaf weyn ayay ii ahayd xilka aan  qarankankayga u hayay uguna addeegayay lixdii sanadood ee aan ahaa Wakiilka Somaliland u matalaya UAE iyo Kenya.

Ugu dambayntii waxaan rajaynayaa in aad iga aqbasho codsiga aan halkan kuugu soo gudbiyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.