Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulmay

Kulanka wuxuu kusoo beegmayaa xili uu jiro war sheegaya in dhalinyaro Soomaali ah lagu dilay dagaalka Tigray.

Warar Keydmedia Online
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo kulmay

ADDIS ABABA - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa shalay gelinkii dambe kula kulmay Addis Ababa dhigiisa Itoobiya Demeke Mekonnen.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Wasiiradda ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Laguma sheegin War-saaxafeedka in arinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu laayay dagaalkii gobolka Tigray ay qeyb ka ahayd wadahadalka.

Socdaalka Wasiir Maxamed C/risaaq, ayaa kusoo beegmaya xili Waalidiin Soomaaliyeed ay ka dalbanayaan dowladda inay nolol ama Geeri meel ugu sheegto Wiilashooda iyagoo aan ogeyn la askareeyay, kadibna la geliyay dagaalka Tigray, oo intooda badan ku dhinteen.

Farmaajo ayaan wax mas'uuliyad ah iska saarin in boroorta hooyooyinka ka jawaabo, oo dib ugu soo celiyo Carruurtooda hadii ay nool yihiin, hadii ay dhinteena u sheego.

Sarkaal hore oo NISA katirsanaan jiray ayaa sheegay in ku dhawaad 4,000 oo Askari oo Soomaali ah, oo laga soo qaadey xeryo lagu tabarayey gudaha Eritrea la geeyay Itoobiya, oo ay uga qeyb qaateen dagaalkii TPLF.

Boqolaal kamid ah dhalinyarada ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalka, iyadoo kuwa ku dhaawacmay la dhigay Isbitaallo ku yaalla magaaladda Mekelle, Caasimadda gobolka Tigray.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.