Weerar ka dhacay Baraawe xili doorasho ka socotay

Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay weerar ku qaaday magaaladda, si ay u carqaladeyso doorashadda Gollaha Shacabka ee socotay.

Warar Keydmedia Online
Weerar ka dhacay Baraawe xili doorasho ka socotay

BARAAWE, Soomaaliya - Tiro hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay saacado kahor magaaladda Baraawe, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo saakay ka billaabatay doorashadda BFS.

Goobjooge ayaa KON u sheegay in qiyaastii lix hoobiye ay ku dhaceen nawaaxiga iyo gudaha xarunta Madaxtooyadda xili lagu guda jiray doorashadda kuraas kamida Gollaha Shacabka.

Ugu yaraan hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhintay, qaar kalena way ku dhaawacmeen madaafiicda, oo qalqal amni ku abuurtay shacabka magaaladda, oo horey nabad ugu noolaa.

Al-Shabaab ayaa ku wareegsan Baraawe, iyadoo la dareemayay dhaqdhaqaaq ay wado Kooxda oo doonaysa inay kahor tagto in doorasho lagu qabto xarunteedii hore ee dhaqaalaha.

Amniga maagaladdan xeebta ku taalla ayaa ahaa mid aad u xun, iyadoo dadka degan aysan u furnayn wax wado ah, waxaana meesha kaliya ay isticmaalaan ay tahay dhanka Badda.

Sidee sano kahor ayaa Al-Shabaab laga saarey Baraawe, oo AMISOM tagtay, balse ma ahan meel uu illaa hadda maamulka Koonfur Galbeed ku shaqeyn karo amni la'aanta darteed.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.