Weerar ka dhacay Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyay

Afhayeenka maamulka ayaa sheegay in hay'adaha amaanka ay ku raadjoogaan kuwa falkan ka dambeeyay.

Warar Keydmedia Online
Weerar ka dhacay Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyay

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay, labo kalena way ku dhaawacmeen weerar xalay ka dhacay magaaladda Dhuusamareeb, ee Caasimadda Galmudug.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in dabley hubeysan, oo aan heybtooda la garan ay rasaas oodda uga qaadeen dad shacab ah oo goob maqaaxi ah bartamaha magaaladda, iyadoo islmarkiiba ka baxsadeen halkaasi.

Dadka lagu dilay weeerarka waxaa kamid ah Ganacsade Cumar Nuur Colow iyo labo dhalinyaro ah, iyadoo dadka dhaawaca ah la dhigau Isbitaalka guud ee magaaladda oo lagu daaweynayo.

Lama oga sababta dadkan loo beegsaday, laakiin afhayeen u hadlay maamulka ayaa sheegay in Ciidanka booliska ay ku raadjoogaan kuwa falkan foosha xun ka dambeeyay, isagoo ka gaabsadey inuu bixiyo fahfaahin intaas ka badan.

Falalka nooca ah ayaa ku cusub magaaladda Dhuusamareeb, waxaana loo maleynayaa inay aano qabiil la xiriirta maadaama mudooyinkii dambe gobolka Galgaduud ka dhacayeen dilal aargoosi ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.