Weerar ka dhacay Guriceel

Sarkaal sare oo katirsan Nabad Sugidda Maamulka Galmudug ayaa ka badbaaday isku-day dil kadib markii gurigiisa weerar lagu qaaday xalay, sida ay sheegeen goobjoogiyaal la hadlay Keydmedia Online. Waa weerarkii ugu horeeyay oo mudo 10 sano ah ka dhaca Guriceel.

Warar Keydmedia Online
Weerar ka dhacay Guriceel

GURICEEL, Soomaaliya - Wararka laga helayo magaaladda Guriceel, ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay weerar laguq aadey Gaashaanle Sare C/llaahi Cabdi Raage, oo kamid ah Saraakiisha Nabad Sugida Galmudug.

Goobjoogiyaal khadka Taleefonka kula hadlay Keydmedia Online ayaa sheegaya in C/llaahi Cabdi uu ka badbaadey weerarka oo ahaa bam-gacmeed gurigiisa lagu tuurey, mana jiraan wax khasaaro ah oo xubnaha qoyskiisa kasoo gaarey qaraxa.

Ninkan ayaa May 2019 fashiliyay qarax ismiidaamin ah, oo la doonayay in lagu khaarijiyo hogaanka Ahlu Sunna, kadib markii uu qabtey ninkii weerarkaas fulin rabey xili uu kusii jeeday goobtii ay fadhiyeen Sheekh Maxamed Shaakir, Maclin Maxamuud iyo xubno kale.

Lama oga cida ka dambeysa, balse waxaa lagu soo waramayaa in Magaaladda uu ka taagan yahay muran u dhaxeeya Maamulka Galmudug iyo Kooxda Ahlu Sunna, oo iyadu magaaladda maamusha, inkastoo awoodeeda degaanada kale sii yaraanayso.

Sarkaalkan la weeraray ayaa ahaa mid kamida ilaalada gaarka Sheekh Maxamed Shaakir, oo dhawaan awoodiisii lagu soo afjaray Dhusamareeb kadib doorashadii Qoor-Qoor Febuary 2020, kadib markii Malleeshiyaadkiisa looga adkaadey dagaal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.