Weerar ku billowday qaraxyo oo ka dhacay G/Baay

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ay ku dishay Sarkaal Ciidan oo magaciisa ku sheegtay Cali Mad Yeeroow, sidoo kalena ay ku dhaawacday askar kale oo Dowladda katirsan.

Warar Keydmedia Online
Weerar ku billowday qaraxyo oo ka dhacay G/Baay

QANSAX-DHEERE, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay aroortii weerar culus ku qaadey saldhig Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Qansax-Dheere, ee gobolka Baay.

Dagaal culus ayaa dhacay weerarka kadib, waxayna dadka degaanka ay sheegeen inay maqlayeen qaraxyo iyo rasaas mudo ku dhaw hal saac socotay, iyadoo markii dambe laga adkaadey Kooxdii Al-Shabaab ee duulaanka soo qaadey.

Isbitaalka degmada waxaa la geeyay dhaawacyada dhowr askari iyo taliye lagu magacaabo Xasan Eylow, waxaana dhimashada la xaqiijiyay hal sarkaal. Lama oga khasaaraha dhanka Al-Shabaab soo gaarey.

Mas'uuliyiinta amniga ayaa sheegay in mudooyinkii dambe ay kusoo xoogeysteen weerarada Al-Shabaab, kadib markii Ciidanka Itoobiya ay ka baxeen degmada, iyagoo u guurey magaalada Diinsoor, oo Maamulka Koonfur Galbeed gacanta ku hayo.

Al-Shabaab ayaa kala jartay degmooyinkii laga saarey ee gobollada Baay iyo Bakool, iyadoo fadhisa wadooyinka isku xira, oo ay geliso miinooyin ay ku weerarto gaadiidka militeriga, waxayna kahor istaagtay ganacsatada inay badeecooyinka isagu kala gudbiyaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.