Xaalad adag oo ka jirta Gobolka Bakool

Sare-u-kacii ugu sareeyay ayaa laga dareemayaa Maciishada oo dhan waxa ayna dadka deegaanku dalbanayaan in xaaladda sii adkaaneysa ee Bakool ay dowladdu wax ka qabato.

Warar Keydmedia Online
Xaalad adag oo ka jirta Gobolka Bakool

XUDUR, Soomaaliya - Xaaladda nololeed ee dadka ku sugan gobolka Bakool, ayaa laga deyrinayaa xilli deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka, gaar ahaan magaalo madaxda Xudur iyo deegaano kale oo hoos taga ay go’doomisay Kooxda Al-Shabaab.

Shacabka ku dhaqan deegaanada go’doonka ku jira ayaa ku tiirsan waxa kasoo daga Garoomada Diyaaradaha, maadaama aysan galin gaadiidkii badeecada u geyn lahaa magaalooyinka go'doonsan.

Sare-u-kacii ugu sareeyay ee maciishadda, ayaa laga dareemayaa Suuqayadda oo dhan, waxayna dadka deegaanku dalbanayaan in xaaladda ay sii adkaaneysa, islamarkaana aan jirin deeq iyo wax-qabad shacabka uga timid dhanka dowladda.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Shiine Macalin Nuurow, oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri: “Sidaaan hore u sheegnay marxalad adag ayaa gobolka inta badan ka jirta, hay’adaha Gargaarka iyo kuwa kale bini’aadanimada ka shaqeeya waxba kama qaban kaaran, waxay u baahan yihiin dadka inay dowladda usoo gurmato”.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda C/qaadir Maxamed Nuur oo tagay dagmada Waajid todobaadkii hore ayaan waxba ka oran xaaladda gobolka, isagoo u tagey olole doorasho.

Degmooyinka gobolka ayaa la xorreeyay wixii ka dambeeyay 2014, laakiin ma jirto degmo u gudbi karta degmo kale, sababtoo ah wadooyinkii waxaa fadhiya Malleeshiyaadka Al-Shabaab oo cunaqabateyn saarey.

Tan iyo markii Farmaajo loo doortay Madaxweynaha dalka Febuary 8, 2017, waxaa hoos u dhacay dagaalki ka dhanka ahaa Al-Shabaab, wuxuuna Ciidamada doowladda ku daad-gureynayaa Gobolka Gedo oo Al-Shabaab laga xoreeyay 10 sano kahor, isagoo abuuray colaado qabiil oo salka u haysa kuraasta Baarlamaanka ee yaalla Garbahaarey.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.