Ciidanka DF iyo AMISOM maku filan yihiin Amniga Goobaha Doorashada?

Ra'iisul wasaaraha oo ka mas'uul ah arimaha doorashada iyo amnigeeda ayey kula talinayaan inuu ka baaqsado qorshihii ay dejisay Villa Somalia, taasi oo sida ay tibaaxeen keeni karta fashil ku yimaada doorashada.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka DF iyo AMISOM maku filan yihiin Amniga Goobaha Doorashada?

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalmihii ugu danbeeyey waxaa Caasimada iyo meelo ka mid ah Maamul Goboleedyada ka socday shirar looga arinsanayo amniga goobo lagu wado in ay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, xilli ay Magaalooyinka qaar ka dhacayeen falal amni darro.

Soomaaliya ayaa dhawaan qorsheyneysa qabashada doorashada aqalka hoose, taasoo ka dhici doonta ugu yaraan labo Magaalo oo Maamul Goboleed kasta ah, waxana sugida amniga loo qorsheeyey Ciidamo isugu jira kuwa dowlada iyo AMISOM.

Hadaba su'aasha ay dad badan oo Soomaali ah is weydiinayaan ayaa ah ciidamadaasi ma xaqiijin karaan sugida amniga goobaha doorashada, maadaama Maamul Goboleedyada qaar ay meelo ka mid ahi joogaan Kooxda Al Shabaab oo ka soo horjeeda hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Dadka Falanqeeya arimaha siyaasadda ayaa ku doodaya in lagu deg degay qorshahaasi,ayna haboon tahay in doorashada lagu qabto hal Magaalo oo mid ah Maamul Goboleed kasta, si aysan u dhicin weeraro ka dhan ah goobaha doorashada.

Dadkan sida dhaw ula socda xaalada dalka ayaa hoggaanka Villa Somalia ee uu waqtigiisu dhamaaday ku eedeynaya in arintani ay ka ahayd laab lakac isla markaana uusan si dhaw u darsin xaaladaha amni xumo ee ka dhalan kara.

Ra'iisul wasaaraha oo ka mas'uul ah arimaha doorashada iyo amnigeeda ayey kula talinayaan inuu ka baaqsado qorshihii ay dejisay Villa Somalia, taasi oo sida ay tibaaxeen keeni karta fashil ku yimaada doorashada.

Waxaa sidoo kale maalmihii ugu danbeeyey qeybo ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka ka dhacayey kulamo looga arinsanayo xaqiijinta Amniga goobaha doorashada Golaha Shacabka ay ka dhaceyso, waxana kulamadaasi yeelanayey Saraakiisha amniga ee loo xil saaray arimaha doorashooyinka iyo booliska Amisom oo iyaguna ah cudud kaabeysa sugida amniga doorashoyinka.

Dhanka kale dhanka kale Al-Shabaab oo Dowlada Doomaaliya dagaal kula jirta, ayaa 20 bishii Luuliyo baahisay cod maqal ah oo laga soo duubay hogaamiyahooda Axmed Abu Cubeyda kaasoo uu ku sheegayo in ay carqaladeyn doonaan howlaha doorashooyinka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee dadka ku xeel dheer arimaha amniga ayaa shaki badan galinaya in goobaha doorashada ay ka baaqsan karaan weeraro uga yimaada Kooxda Al shabaab, oo iminkaba falal amni darro ka geysaneysa meelaha lagu wado in ay doorashooyinka aqalka hoose ka dhacaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.