Xasan Sheekh oo albaabada isugu dhuftay jid Farmaajo furay

Soomaaliya waxaa la degay caqabado kaga hor gudban dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga, faqri ka bixidda iyo cudurrada ka daawoobidda, ku biiritaanka ururkaan wuxuu Soomaaliya siin karaa iskaashi gobol oo wanaag sababa.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo albaabada isugu dhuftay jid Farmaajo furay

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo laabay albaakii is-xulufaysigii Geeska Afrika, kaasoo ay dhidibada u taageegeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed [Farmaajo].

Sida muuqata Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu is-baheysigaas oo ay hoggaanka u hayaan dalal ay colaado iyo xasillooni darro siyaasadeed ka jirto, ka doortay ku biiritaanka daladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo ay ku mideysan yihiin dalal dhaqaale ahaan kobcaya, xudduudahoodu isku furan yihiin, Xasilloon, lehna mustaqbal isku xiran.

Dalalka uu garabka ku dhiftay Madaxweyne Xasan ee kala ah Itoobiya iyo Eritrea ayaa ahaa gacanta midig ee Madaxweynihii hore Farmaajo, halka waddamada uu hadda donayo inuu la midoobo ay hoggaanka u heyso Kenya oo xiriirkeeda Diblumaasiyadeed ee Soomaaliya uusan wanaagsaneyd ku dhawaad labdii sano ee ugu danbeysay xil heyntii Farmaajo.

Dadka u dhuun duleeyay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Farmaajo, Abiy iyo Afwerki, ayaa hore u sheegay in uu hindisay Abiy Ahmed, oo si shaqsi ah u samayesanayay sumcad gooni ah, isla-markaana uu ku raacay Isaias Afwerki, oo ka helayay faa’iidada ugu badan, halka ay Farmaajo u doorteen inuu ku soo dumaan Madaxda kale ee geeska Afrika.

Is-baheysigaas laga unkay gobalka, bannaanka lama soo dhigin runtiisa, taasoo sababtay in su’aalo badan la iska weydiiyo u jeeddada laga laga lahaa yabyabkiisa, yeelkeede, marka la eego Bulshada Bariga Afrika, waa dallaad leh xeerar dhigan, qawaaniinteeduna cadyihiin oo aan cidna laga qarin, waa Urur u jeedkiisu yahay hiigsi hormarineed.

Dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu amaanay Madaxweye Xasan tallaabada uu u qaaday ku biiritaanka EAC, oo la rumeysan yahay in ay kaga waxtar fiican tahay Is-bahaeysiga Itoobiya iyo Eritrea, kaasoo u jedkiisu yahay in dalalka lagu ababiyo kalitalisnimo, halkii la dooran lahaa jidka ay EAC qaadday ee dimuqraadiyadda iyo hormarinka ku dhisan.

Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu dhawaan booqasho afar maalin qaadatay ku tagay dalka Eritrea, halka ay dib ay dhacday booqasho uu ku tagi lahaa Itoobiya, sababo la xariira in Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed uu in muddo ah ka maqan yahay Addis Ababa, kuna maqan yahay gobolka Oromada oo xiisado ka aloosan yihiin.

Maxay tahay fa’iidada ugu jirta Soomaaliya ku biiritaanka Ururkaan?.

Soomaaliya waa dal ku yaalla goob Istaraatiiji ah, lehna xeebta ugu dheer Afrika, Gacanka Cadmeed ilaa Badweynta Hindiya, ahna mid ka mid ah xeebaha ugu kheyraadka badan caalamka, maraanna marin biyoodyo caalami ah oo adduunka oo dhan indhaha ku hayo.

Soomaaliya waxaa kulaalaya Baabul-mandab oo in ka badan boqolkiiba 20% ganacsiga adduunka oo dhan maro sanadkii, waana dal hodan ku ah Beerashada, Kalluunka iyo Xoolaha, kuwaa ay u sii dheer yihiin, Tamarta, Macdanta iyo Shidaalka ceegaaga.

Ka mid noqoshada dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa Soomaaliya uga dhignaan doonta fursad ganacsi iyo suuq weyn oo ka faa'iideysi leh iyo in wax-soo-saarka waddanka loo iib geeyo dalalkaas iyadoo aan wax cashuur ah laga qaadi doonin.

Sidoo kale, Shacabka Soomaaliyeed waxaa u fududaan doona socdaalka dalalka ku mideysan EAC iyagoo aan u baahneyn wax dal-ku-gal ah, isla-markaana baasaboorka Soomaaliya ayaa dusha looga qori doonaa East African Community (EAC).

Soomaaliya waxaa la degay caqabado kaga hor gudban dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga, faqri ka bixidda iyo cudurrada ka daawoobidda, ku biiritaanka ururkaan wuxuu Soomaaliya siin karaa iskaashi gobol oo wanaag sababa.

Haddii si togan looga faa’iideeyo, ku biiritaanka EAC, wuxuu Soomaaliya u siyaadin karaa muruqa dhaqaale oo xooggan, siyaasad gobol oo sal adag leh iyo dhaqan-bulshada oo il-baxnimo leh, waana sababta Madaxweyne Xasan u siinayo door muuim ah.

Yoolka EAC ayaa ah in dalalka xubnaha ka ah ay yeeshaan dowlad ay ku midaysan yihiin, oo gogol-xaar u noqoneysa in siyaasad midaysan ay dalalku ka yeeshaan arrimaha ammaanka, gaashaandhigga iyo xiriirka dibedda.

KEDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.