Xasan Sh: Kama aqbalayno Farmaajo inuu kursiga kusii fadhiyo

Farmaajo ayaa kursiga si sharci-darro ah ku fadhiya Kursiga Madaxweynaha mudo 10 bilood ah, iyadoo aan muuqan rajo inuu si nadiif ah ku wareejin doono.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sh: Kama aqbalayno Farmaajo inuu kursiga kusii fadhiyo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa ka hadlay markale damaca Farmaajo in dalka si sharci-darro ah ku xukumo, oo la qaban doorasho.

Isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay Turkiga, ayuu Xasan Sh. ka sheegay in Soomaaliya laga leexiyay dhabihii ay ku socoto iyo xukunkii qori isku dhiibka, oo afartii sano mar dhici jirtay.

"Waxuu dastuurka dhigayaa oo lagu heshiiyay in 4tii sanno mar doorasho dhacdo, oo loo tartamo kursiga Madaxweynaha maadaama Soomaali oo dhan ka dhaxeeyo," ayuu yiri Xasan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Xasan Sh ayaa hoosta ka xariiqay inaan la aqbali karin inuu qof iska fadhiyo kursiga, oo aan la qaban doorashadda iyo tartanka lagu kala baxayo Sanduuqa.

"Kursiga ma ahan kursi boqortooyo oo qof isaga fadhinayo illaa uu ka dhinto, ee waa kursi qofka ku yimid doorasho, sidoo kalena doorasho loogala wareegayo," ayuu yiri MD hore.

Xasan Sheekh ayaa fariin u diray Farmaajo oo ah in uu ku daydo Madaxdii ka horeysay, oo si nadiif ah awoodda iyo talada ku wareejiyay markii looga adkaadey doorashadda.

"Anigoo Madaxweyne ah baa kasoo baxay Villa Somalia subixii 8-dii Feb. 2017, waxaana ku laabtay anigoo aan Madaxweyne ahayn, waana taas tan laga doonayo Farmaajo," ayuu yiri.

Farmaajo ayaa isku dayay in afembi ku qabsado dalka April 2021, laakiin laga hortagay, isagoo lagu qasbey inuu ka laabto mudo-korarsiga iyo inuu howsha doorashadda iska wareejiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.