KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in dalka meesha uu hadda jooga iska-imaan, balse ay mas'uuliyiin badan kasoo shaqeeyeen.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada aysan daacad ka ahayn qabashadda doorasho waqtigeeda ku dhacda.
Wuxuu xusay in Axmed Madoobe uu kamid yahay shaqsiyaadkii isbaaradda u dhigtay dowladiisii iyo midan haatan jirta, oo kahor istaagay inay shaqooyinkooda qabsadaan, iyadoo khilaafkii uu abuuray uu sababay in maanta doorashadii shaki laga muujiyo qabsoomidooda.
Madaxda hadda heshiiska ku gaarey magaaladda Muqdisho ayuu tilmaamay in laga rabey howsha ay hadda hayaan inay saddex sano kahor qabtaan, si aan xiligan looga hadlin doorasho ma dhacaysaa mise ma dhici karto.
Farmaajo ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay mudo-xileedkiisa laga maqlay afkiisa erayga doorasho, isagoo sanado badan ku lumiyay safaro aan micna lahayn iyo ka shaqeynta khilaaf siyaasadeed, isagoo sidoo kale kala qeybiyay Maamul Goboleedyada.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.