Xasan Sheekh: Muusow Xabad Xal uma ahan Laascaanood

In ka badan 20 qof, oo culimada, waxgarad, siyaasiyiin, dhalinyaro, dumar iyo Carruur isagu jira, ayaa ku dhimatay rasaasta Ciidamada maamulka Somaliland ay ku ridayaan dadka shacabka ah, ee diidan gooni-u-goosadka.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh: Muusow Xabad Xal uma ahan Laascaanood

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee Caasimadda Gobolka Sool, oo Somaliland xasuuq kawado.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Somaliland in xal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ah ay mudnaan weyn siinayso xasilloonida, nabadda, adkeynta walaalnimada iyo wada-noolashaha dadka Soomaaliyeed.

Muusow xal ma noqdo xabad, xaaladda Laascaanood si kale oo ka duwan qori caaradiisa ku raadi," ayuu Xasan Sheekh yiri.

Xasan Sheekh ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii birmo-geydada ahaa ee ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood, waxa uuna xusay in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan soo mareen, maantana aysan mudneyn in dib loogu celiyo dhibaatooyinkaas.

In ka badan 20 qof, oo culimada, waxgarad, siyaasiyiin, dhalinyaro, dumar iyo Carruur isagu jira, ayaa ku dhimatay rasaasta Ciidamada maamulka Somaliland ay ku ridayaan dadka shacabka ah, ee diidan gooni-u-goosadka.

Somaliland ayaa xoog ku qabsatay Laascaanood 2007, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay gacan-bir ah ku xukumaysay dadka degaanka, oo ah kuwa jecel Soomaali weyn iyo midnimada dalka.

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa 5 maalin ka socda magaaladda, waxayna Somaliland ku amartay Ciidankeeda inay dadka rasaasta nool ku ridaan, si ay ukala eryaan, taasoo dhimasho sababtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.