Xasan Sheekh oo ka digay in Soomaaliya ay Dastuur la’aan noqoto

Dastuurka ayaa la dhacaya Baarlamaanka 10aad oo mudo xileedkiisa dhamaaday, waxaana hadii aan la badbaadin uu dalka gali doono firaaq dastuuri ah.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo ka digay in Soomaaliya ay Dastuur la’aan noqoto

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saarey qoraal uu u diray Farmaajo, Mursal iyo Cabdi Xaashi oo ku wargelinayo in dhaqangalka dastuurka uu la dhamaanayo Baarlamaanka 10aad.

Farmaajo ayaa ka gaabiyay inuu dhameystiro dastuurka, laguna ansixiyo afti dadweyne kahor 2021, sidaasi darteedna hadda loo baahan yahay inay labada aqal ee Baarlamaanka ay kulan gaar ah isaga yimaadaan, kuna dhawaaqaan inay u gudbinayaan howsha Baarlamaanka soo socda ee 11aad.

Xasan Sheekh ayaa afartii Sano ee uu xilka haayay u suura gali weysay in Dastuurka la ansixiyo, balse si loo badbaadiyo uu Baarlamaankii 10aad waxka bedel ku sameeyay qodobka 138aad, kaas oo dib loogu dhigay ansixinta kama dambeysta ah.

Dastuurka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inuu noqday mashruuc aan dhamaad lahayn oo dhaqaale badan beesha caalamka iyo hay'adaha caalamiga looga cuno, iyadoo la geliyay hanti iyo waqti badan, waxna laga qaban dhameystirkiisa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.