Xeer Ilaaliyaha Guud oo u goodiyay Warbaahinta

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho kasoo saaray digniin ku socota warbaahinta isagoo ku eedeeyay “faafinta wararka ku tiri-ku-teenka.

Warar Keydmedia Online
Xeer Ilaaliyaha Guud oo u goodiyay Warbaahinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Suleyman Maxamed, ayaa handadaad iyo caga-juglayn ku haya warbaahinta xorta ah ee ka howlgasha dalka, gaar haan Muqdisho, oo Maamulka Farmaajo ku dhibaateeyo wariyeyaasha.

Wuxuu ku dhawaaqay in xafiiskiisa uu baaritaan ku wado warbaahin uusan sheegin magacyadooda oo ku yaalla Muqdisho, islamarkaana uu dhowaan maxkamad la horgeyn doono, si ay uga jawaabaan eedeymaha “faafinta warar ku tiri-ku-teenka.

“Waxaan ogaanay warbixino iyo wareysiyo gaar ah oo salka ku haya macluumaad been abuur ah. Warbixinadan waxay khalkhal gelinayaan amniga dalka iyo dadaallada dowladda, ”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka xubnaha ayaa lagu eedeeyay inaysan ixtiraamin xorriyadda saxaafadda, iyagoo faaf-reebka ku sameeya wararkooda, sidoo kalena u jeediya hanjabaado oo ugu dambeysay mida Xeer-ilaaliyaha Guud.

Bishii lasoo dhaafay, Booliska DF ayaa hor-istaag ku sameeyay weriyayaal doonayey inay soo tebiyaan qarax dhimasho sababay oo lala beegsaday Gelato Devino ee ku taalla Waddada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Dowladda Farmaajo ayaa caburisa Warbaahinta madaxa-banaan, iyadoo u marayso cabsi gelin, xarig aan loo meel dayin iyo xukuno lagu rido wariyeyaasha ka howlgala Muqdisho, oo tacadiyadda ugu badan saxaafadda loogu geysto.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.