KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Galmudug ayaa isku diyaarinaysa doorashadda kuraasta ugu horeysa ee Gollaha Shacabka, oo la filayo inay maalmaha soo aadan Dhuusamareeb ka dhacdo.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Xiisada dagaal ayaa Maanta laga dareemayaa duleedka magaaladda Dhuusamareeb, ee xarunta Galmudug, sida ay dadka degaanka u sheegeen KON.
Xoogag taabacsan Ahlu Sunna ayaa dhaq-dhaqaaq Ciidan ka billaabey degaanka Bohol, oo qiyaastii 30-KM dhanka waqooyi uga beegan magaaladda, waxaana horfadhiya kuwa dowladda.
Sarkaal sare oo Ahlu Sunna kamid ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri: “Ama Dhuusamareeb ama geeri, Insha’Allah", isaga oo sidoo kale sheegay in Ahlusunna hal go’aan leedahay.
Taliyaha oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Raage ayaa sheegay inay Dhuusamareeb la wareegi doonaan maalmaha soo aadan, isagoo shacabka magaaladda ugu baaqey inay ka fogaadaan xeryaha Ciidanka, si aysan khasaaro uga soo gaarin duulaanka.
Xiisadda ayaa imaanaysa xili Galmudug ay isku diyaarinaysay doorashadda kuraasta ugu horeysa ee Gollaha Shacabka, oo la filayo inay maalmaha soo aadan Dhuusamareeb ka dhacdo.
Ahlu Sunna ayaa Todobaadyo kahor isaga soo baxdey Guriceel, oo gobolka Galgaduud katirsan kadib dagaal saddex maalin socday oo ay kula galeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 120 qof oo askar u badan.
Ururka Ahlu Sunna ayaa sheegay in Qoor-Qoor uga baxay balantii uu la galay ee ahayd inuu wadahadallo la furayo, islamarkaana tabashadooda uu xalin doono marka ay ka baxaan Guriceel, taasoo ay markii ay sameeyeen loogu tagi waayay degaanada ay joogaan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.