Xiriirka Qoor-Qoor iyo Farmaajo oo xumaaday [Akhri Sababta]

Farmaajo ayaa soo wajahday xaalad quus ah, isagoo ka rajo dhigay damiciisa dib u doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Xiriirka Qoor-Qoor iyo Farmaajo oo xumaaday [Akhri Sababta]

MUQDISHO, Soomaaliya - Qoor-Qoor ayaa bedelay mowqifkiisii hore ee taageerida Farmaajo, isagoo hadda u weecday dhanka Musharixiinta Mucaaradka, maadaama ay haystaan fursadda ugu badan inuu dhexdooda kasoo baxi karo Madaxweynaha soo socda.

Xiriirka Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor iyo Farmaajo ayaa maraya meeshii ugu hooseysay, iyadoo Villa Somalia ay waysay qof aad muhiim ugu ahaa qorshaha dib u doorashadda Farmaajo, oo hadda cagta saarey wadadii fashilka.

Xog hoose oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in isbedelka Qoor-Qoor uu yimid kadib markii dhawaan kulan qarsoodi ah kula soo qaatay dalka Turkiga Xasan Cali Khayre, oo kamid ah Musharixiinta ugu cad-cad, oo Farmaajo shaqadi si aan munaasab ahayn uga qaaday July 2020.

Macluumaadka KON heshay ayaa sheegay in Fahad iyo Farmaajo ay aad uga xumaaday tallaabadii uu Qoor-Qoor xubno taabacsan Khayre ugu soo magacaabey Gudiyadda doorashadda, isagoo meesha ka saarey kuwii Villa Somalia u dirtay inuu soo qoro.

Qoor-Qoor oo kursiga Madaxweynaha Galmudug uu ku fariisay Fahad Yaasiin ayaa kamid ahaa saddexa Madaxweyne Maamul Goboleed ee lagu tashanayay dib u doorashadda Farmaajo, waxaana labada dhinac ku kala tageen si lama filaan ah.

Farmaajo wuxuu hadda ku tashanayaa Lafta-Gareen iyo Guudlaawe, oo iyaguna aan la ogeyn inay u hiilin doonaan doorashadda, waxaana sidoo kale jira in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu codadka ka sugayaan Xildhibaanada Beelaha Banaadiriga iyo Somaliland, oo doorashadooda Fahad maamulayo.

Tan iyo doorashadiisii, Qoor-Qoor waqtigiisa ugu badan wuxuu ku bixiyay Muqdisho, oo Villa Somalia ugu adeegaya, islamarkaana qeyb ka ahaa Kooxdii ka shaqeysay mudo-kordintii fashilintay ee Farmaajo, taasoo ay kahor tageen Mucaaradka

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.