Xog cusub oo laga helay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil

Sida ay xogta sheegayso, NISA ayaa diiday in hay'ad kale oo katirsan dowladda ay baaritaan ku sameyso kiiska Ikraan xili RW Rooble amray in lala shaqeeyo Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidanka.

Warar Keydmedia Online
Xog cusub oo laga helay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil

MUQDISHO, Soomaaliya - Baaritaankii Kiiska Ikraan Tahliil, ayaa joogsaday kadib markii ay NISA ay is-hortaag ku sameysay Saraakiisha Maxkamadda Ciidanka inay galaan Habar-Khadiija.

Labo Sarkaal oo NISA katirsan iyo Xildhibaan ayaa xaqiijiyay in hay'ad taliska Nabad Sugida uu sheegay in NISA oo kaliya sameynayso baaritaanka, waxayna diideen cid banaanka ka timid.

Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo, NISA ayaa baabi'isay muuqaalkii kaamirada CCTV duubtay habeenkii Ikraan Gaariga kasoo qaadayay gurigeeda, waxaana laga waayay system-ka.

Baariyaasha ayaa wareystay Gabar ka shaqeynaysay Guriga Ikraan, ninka leh Guriga ay deganayd iyo shaqaalaha hotel goobta ka dhaw oo ay tagi jirtay, waxayna waydiiyeen su'aallo.

Balse baaritaanka waxuu caqabad la kulmay markii Saraakiisha Maxkamadda ay isku dayeen inay waraystaan ​​tuhmanayaasha ku jira dacwadda qoyska Ikraan, kuwaasoo diiday in la wareysto. Waxay kala yihiin eedeysanayaasha Fahad Yaasiin, Kulane Jiis, Yaasiin Fareey iyo Wadna-qabad.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in ay sameysay baaritaan u gaar ah. Sida aan xogta ku helayno waxay u gudbisay Maxkamadda Ciidanka warbixin ka kooban 38 bog oo ay ku jiraan wareysiyo lala yeeshay eedeysaniyaasha, iyadoo aan la joogin baaraha.

Col Shuute, oo ah taliyaha Maxkamada Ciidanka ayuu RW Rooble u xil-saarey kiiskan, laakiin illaa hadda wax natiijo ah kama uusan keenin, waayo dadka loo diray ayaa ah kuwa uusan awoodin inuu wareysto ama la kulmo, sida Fahad Yaasiin.

NISA iyada ayaa lagu dhex-dilay Gabadha, haddana iyada ayaa baareysa, taasoo ah mid aan lagu helynin cadaaladda Gabadha maqan, waxayna ka dhigtay "Cadaalad la daahiyay, waa Cadaalad la-dafiray". Kiiska waa mid la isku kaashadey in la daboolo.

Ikran waxay ku dhalatay Mandheera, Kenya August 24 sanadkii 1996, halkaasoo waxbarashadeeda dugsiga Hoose iyo Dhexe ku qaadatey, waxay ka baxdey Dugsiga sare ee Aga Khan, Nairobi, waxayna ka qalin jebisay Jaamacadda United States International University (USIU), Nairobi oo ka baratey xiriirka caalamiga.

Waxay billowday shaqada NISA April 2017, iyadoo ka shaqeynaysay xafiiska agaasimaha Fahad Yaasiin, illaa Oct 2017 mudo 7 bilood ah, iyadoo loo dalacsiiyay agaasimaha waaxda xaquuqda aadanaha, oo ay kala shaqeynaysay AMISOM iyo Safaaradda Ingiriiska qeybta tababarada la siiyo xubnaha hay'adda.

Laga soo billaabo Oct 2018 illaa July 2019, waxay la shaqeynaysay Eng Yariisow, duqii Caasimadda, oo u ahayd madaxa amniga, iyadoo isla NISA katirsan. Markii la dilay Eng Yariisow waxay toos ugu laabatay NISA.

2019, waxay aaday UK, iyadoo gashay Jaamacada Nottingham, halkaasoo ay ka baratay sharciga caalamiga ee xaquuqda aadanaha. 2020, waxay gashay King’s college London, oo Shahaadafa Master-ka ku sameysay xiriirka caalamiga. NISA ayaa lacagta ka bixinaysay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.