Xog dheeraad ah oo ku saabsan duqeyntii Saakow

Macluumaad dheeraad ah oo Keydmedia Online ka heshay duqeynta ayaa sheegaya in diyaarad drone ah ay 4 gantaal ku dhufatay dhismooyin ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Warar Keydmedia Online
Xog dheeraad ah oo ku saabsan duqeyntii Saakow

MUQDISHO, Soomaaliya - Tobanaan xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan hogaamiyeyaal sare ayaa ku dhimatay weerar dhanka cirka ah oo xalay lagu qaadey degmada Saakow.

Macluumaad dheeraad ah oo Keydmedia Online ka heshay duqeynta ayaa sheegaya in diyaarad drone ah ay 4 gantaal ku dhufatay dhismooyin ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Duqeyn kale ayay diyaarada isla xalay ka fulisay tuulada Salagle oo ku dhaw Saakow, halkaasoo oo ku beegsatay shir ay lahaayeen hogaamiyeyaasha Kooxda Al-Shabaab

Saraakiisha Ciidanka DF, ayaa sheegay in howlgalka ay qeyb ka qaateen DANAB, oo AFRICOM ay tababartay, iyadoo wali la ogeyn khasaaraha soo gaarey labada dhinac.

Militeriga dowladda Mareykanka ayaa Koonfurta Soomaaliya ka fuliyay 8 duqeyn tan iyo 15-kii bishii lasoo dhaafay, waxaana lagu dilay ku dhawaad 10 katirsanaa Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa January 2021 kala baxay Soomaaliya ku dhawaad 700 askari kadib amar uu bixiyay Madaxweynihii hore Donald Trump, waxaana Ciidanka la geeyay Kenya iyo Jabuuti.

Al-Shabaab ayaa ku waysay duqeymaha Mareykanka hogaamiyeyaal sare oo uu kamid ahaa Axmed Godane oo Sep 2014 lagu dilay duqeyn lagula eegtay kolonyo uu la socday duleedka Baraawe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.