Qorsho lagu khaarijinayo Saraakiisha baareysa dilka Ikraan Tahliil

Kooxda Farmaajo ayaa iyagoo ka faa'ideysanaya xiliga kala-guur damacsan inay dileen qof kasta oo kasoo horjeeda siyaasadahooda iyo kuwa ku howlan soo bandhigida xaqiiqda kiiska dilka Ikraan Tahliil.

Warar Keydmedia Online
Qorsho lagu khaarijinayo Saraakiisha baareysa dilka Ikraan Tahliil

MUQDISHO, Soomaaliya - Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo horey u noqday ku-xigeenka taliyaha NISA ayaa sheegay in Farmaajo iyo Fahad ay diyaariyeen qorshooyin lagu khaarijinayo afar Sarkaal oo gacanta ku haya baaritaanka kiiska dilka ee Ikraan Tahliil.

Ikraan oo dhanka amaanka internet-ka u qaabilsanayd NISA ayaa kiiskeeda hadal heyn badan abuuray, waxaana qoyskeeda uu ku eedeeyay Fahad iyo Kulane Jiis in ay afduubteen Gabadha kadibna ay dileen, maadama ay ka haysay xog xasaasi ah oo la xiriirta dhalinyaradii loo diray Eritrea, ee la geliyay dagaalka G/Tigray ee dalka Itoobiya.

"Waxaan Xog ku helnay in Kooxda fashilantay ee F&F ay diyaarinayaan qorshe lagu khaarajinayo 4 sarkaal oo NISA ah oo ku howlanaa Baarista dil kii Ikran Tahlil. Sidaas darteed saraakishaas waa inay feejignaadaan ehelkooda la socdaan haduu dhib gaaro inay ka danbeeyaan kooxdaas," ayuu yiri Cabdalla Cabdalla.

Ma uusan shaacin magacyada Saraakiisha, balse waxaa xusid mudan inuu RW Rooble uu u magacaabey kiiska Ikraan gudi uu hogaaminayo Col Xasan Cali Nuur Shuute, oo ah gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka qalabka sida, waxaana xubnaha kamid ah Jenaraal Cabdullaahi Buulle Kamay.

Ikraan Tahliil Faarax oo ka shaqeeneysay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, ayaa markii dad ugu dambeysay lagu arkay muuqaal ay duubtay CCTV iyadoo gurigeeda ka baxday 26-ka bishii June Sanadkan, iyadoo xili habeen ah abaare 8:00 pm gaari Toyota Hulux ah looga qaadey, kaasoo aaday dhaka Godka Jilicow.

Waxaa kale oo jira qorshe la doonayo in qaraxyo lagu galiyo xarunta Gobolka Banaadir maalmaha soo socda, kuwaasoo ay iska kaashanayaan Fahad Yaasiin iyo Al-Shabaab, sida uu sheegay Jen Cabdalla Cabdalla, oo ku baaqey in arintaas laga feejignaado.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.