Yaa xulaya Ergada dooranaysa kuraasta Somaliland?

Rooble ayaa lagu eedeeyay inuu la saftay ku xigeenkiisa Mahdi Guuleed, oo raba in isaga looga dambeeyo doorashadda kuraasta Somaliland.

Warar Keydmedia Online
Yaa xulaya Ergada dooranaysa kuraasta Somaliland?

MUQDISHO, Soomaaliya - Kuraasta loo qoondeeyay Somaliland waxay xujo ku noqdeen Rooble, kadib markii uu khilaaf ka dhex billowday labada Mas'uul ee ugu sareysa siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Isku dayo badan iyo shirar isdaba-joog ah, wuxuu RW Rooble ugu dambeyntii go'aamiyay in Ergada ay si siman usoo xulaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, isna uu dusha kala socon doono in la ilaaliyay nidaamkii loo dejiyay doorashadda.

Somaliland ayaa laga siiyay Aqalka Sare 11 kursi, waxaana loo kala qeybiyay saddex meelood, Cabdi Xaashi, Mahdi Guuleed iyo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha oo mid kasta wata Musharixiin.

Waxaa jirta in wali aan xal laga gaarin khilaafka gudiga SEIT ee Somaliland, kaasoo labo garab ukala jabay, waxayna kala doorteen labo guddoon oo iska soo horjeeda.

Cabdi Xaashi garabkiisa ayaa ku eedeeyay Rooble inuu la saftay dhnaca Mahdi Guuleed, taasina ay cadeyn u tahay in Villa Somalia dooneyso inay boobto kuraasta Somaliland.

Kuraasta Somaliland waxaa lagu dooranayaa Caasimadda, si lamid ah kuwa Banaadiriga, iyadoo hadda wali heshiis rasmi ah laga gaarin kala qeybsanaanta siyaasiyiinta G/waqooyi.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.