Yaasiin Farey oo ku eedeysan dilka Ikraan oo Kursi u tartamaya

Kursigan ayaa la sheegay inuu kamid yahay Kuraasta uu Farmaajo boobey, loona xiray saaxiibadiisa, waxaana u fududeeyay Qoor-Qoor.

Warar Keydmedia Online
Yaasiin Farey oo ku eedeysan dilka Ikraan oo Kursi u tartamaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha NISA Yaasiin Farey ayaa Maanta magaaladda Dhuusamareeb lagu guddoonsiiyay Shahaadada Musharaxnimo Kursi Baarlamaanka 11aad.

Yaasiin Farey oo ku eedeysan dilka Ikraan Tahliil, ayaa u taryamaya Kursiga Hop-067 oo maalmihii la soo dhaafay ka jiray muran xooggan, iyadoo uu kula tartamaya Jen. Tuuryare.

Kursigan ayaa Farmaajo la doonayaa Yaasiin Fareey, waxaana la geeyay Dhuusamareeb Askar ergo laga dhigay, oo 101 ah kuwaasoo Yaasiin Farey u codeyn doono doorashadda.

Waxaa Yaasiin Farey loo jebiyay xeerka doorashadda iyo shuruudaha u degsan, oo ah in musharax uu iska casilo xilka uu hayo 3 Todobaad kahor is-diiwaangelinta.

Daah-furnaan la'aan ayaa ka jirta kursiga, maadaama qaar ka mid ah Musharaxiinta ku tartami lahaa kursigaas cabasho ka muujiyeen hanaanka loo marayo doorashadiisa.

Qaar kamid ah Musharixiinta oo uu kamid yahay taliyihii hore ee NISA Jen Tuuryare ayaa hor-yimaad hannaanka loo wado doorashada, oo u muuqda mid hal dhinac loo wado.

Kursigan oo leh mid kamid ah jufooyinka Beesha Abgaal, ayaa la sheegay inuu kamid yahay Kuraasta uu Farmaajo boobey, loona xiray Yaasiin Farey, waxaana u fududeeyay Qoor-Qoor.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.