KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Waa markii labaad oo Safaaradda Mareykanka ay soo saareyso qoraal noocan ah oo ay amaan iyo bogaadin ugu jeedinayso hogaanka Galmudug ee qabtay wadahadalladii Dhuusamareeb.
Mareykanka ayaa soo xiray dhamaan albaabadii uu Farmaajo u marayay mudo-korarsiga kadib markii lagu qasbay inuu Muqdisho ku qabto Shir cusub oo dhamaan Madaxda Maamullada kasoo qeybgalayaan, si loo dhameytiro go'aanadii Shirkii Dhuusamareeb 3 ee doorashadda.
Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in Farmaajo uu ogolaaday inuu shir cusub isagu keeno Muqdisho dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka kadib markii uu Maanta kulan hordhac ah la yeeshay Deni iyo Axmed Madoobe.