Farmaajo oo albaabada mudo-korarsiga kasoo xirmeen

Mareykanka ayaa soo xiray dhamaan albaabadii uu Farmaajo u marayay mudo-korarsiga kadib markii lagu qasbay inuu Muqdisho ku qabto Shir cusub oo dhamaan Madaxda Maamullada kasoo qeybgalayaan, si loo dhameytiro go'aanadii Shirkii Dhuusamareeb 3 ee doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo albaabada mudo-korarsiga kasoo xirmeen

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa markii uu arkay inuu kasii dhamaanayo mudo-xileedkiisa, islamarkaana lumiyay kasoonidii shacabka ayaa lasoo baxay siyaasad cusub iyo xeelado uu dib ugu dhigayo doorashooyinkii dalka ka dhici lahaa dhamaandka sanadkan iyo horaanta 2021.

Wuxuu ku tuurey waddanku meel adag oo hubanti la'aan  doorasho ah, isagoo sameeyay wax kasta oo suurtagal uga dhigaysa inuu kusii fadhiyo kursiga kadib mudo-xileedkiisa afarta sano oo 4 bilood uga harsan.

Bishii July 25, Farmaajo ayaa ka takhalusay Ra'iisul Wasaarihii waqtiga dheer lasoo shaqeeyay Xasan Cali Khayre kadib markii Gollaha Shacabka si lama filaan ah looga meel-mariyay mooshin kalsoonida kala noqosho ah, oo sharci-yaqaanada ku tilmaameen shirqool siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kala qeybiyay labada aqalka ee baarlamaankii, isagoo ka dhigtay Gollaha Shacabka wadadii uu u mari lahaa mudo-kordhinta, maadaama ay hogaamiyaan labo nin oo daacad u ah, Mursal iyo Muudey.

Farmaajo ayaa kala fogeeyay Madaxda Maamul Goboleedyada, oo qaar ka dhigay cadow, qaarna saaxiibo, wuxuuna ku beeray jahwareer Mucaaradka iyo Saaxiibadda Soomaaliya ee beesha caalamka oo kala qaybsan.

Laakiin hadda waxaasoo shirqoolka ah waxaa fufuray Mareykanka, kadib markii Safaaradiisa Muqdisho ay soo saartey qoraal ay ku amartay Villa Soomaaliya inay si deg deg ah u qabato Shir weyne go'aan mideysan looga gaarayo muranka, iyadoo ku adkaysay Farmaajo inuu qabto doorasho xor iyo xalaal ah, oo waqtigeeda ku dhacda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.