KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in Farmaajo uu ogolaaday inuu shir cusub isagu keeno Muqdisho dhamaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka kadib markii uu Maanta kulan hordhac ah la yeeshay Deni iyo Axmed Madoobe.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbaly inuu qabto shir cusub oo isagu keenayo Madaxda shanta Maamul Goboleed ee kala ah, Puntland, Jubbaland, Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfir Galbeed, si markale loo gaaro heshiis dhameystiran oo doorashadda.
Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa qoraal ay soo dhigtay bogga Twitter-ka ku leedahay ayaa lagu xaqiijiyay shirka, iyadoo uga mahadcelisay Villa Soomaaliya inay Caasimadda isagu keento Madaxda Maamullada.
"Waxaan ku dhiiragelinaynaa dowladda iyo Maamullada inay si wado-ogol ah u dhameystiraan heshiiska doorashadda," ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo intaasi ku daray in Madaxweyne Qoor Qoor looga mahadcelinayo kaalintii uu ka qaatey Wadahadallada.
Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa yimid saacado kadib markii Villa Soomaaliya ay ku kulmeen maanta Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe, iyagoo kawada hadlay arrimaha muran ka taagan, oo ay kamid yihiin Ciidanka Gedo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.