Warar Keydmedia Online | 7 December 2010

Baydhabo(Keydmedia) Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay shalay galinkii danbe tababar loogu soo xiray askar ka tirsan xoogaga dowladda ka soo horjeeda ee ka dagaalama magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online | 7 December 2010

Muqdisho(Keydmedia) Maxkamadda ciidamada Milatariga dowladda KMG ah ayaa xukun dil ah ku fulisay saakay askari ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu eedeeyay inuu dil u geestay askari kale.

Warar Keydmedia Online | 7 December 2010

Ceelbuur(Keydmedia) Wararka aynu ka heleyno magaalada ceelbuur ee gobalka Galguduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu boobay raashiin ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugnaa magaaladaasi.

Warar Keydmedia Online | 6 December 2010

Muqdisho(keydmedia) Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa lagu eedeeyay inuu xusul duub ugu jiro sidii uu xukuumadda howlaheeda qeyb ka mid ah u fara maroorsan lahaa.

Warar Keydmedia Online | 6 December 2010

Washington (Keydmedia) - Dawladda Maraykanka, ayaa markii ugu horreysay walaac weyn ka muujisay Ciidammo badhtamaha toddobaadkii inna dhaafay Madaxweyne ku-xigeenka maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya tababbar u soo xidhay, isla markaana uu sheegay in loogu talagalay inay la dagaallamaan Budhcad-badeedda Maraakiibta Qafaasha.

Warar Keydmedia Online | 6 December 2010

Muqdisho (Keydmedia) Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxay shaaca ka qaadeen tirada dhimasho iyo dhaawac ee soo gaaray shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online | 6 December 2010

Boosaaso(Keydmedia) Qaar ka mid ah dadka ku nool gobalka Bari ee uu ka taliyo maamulka Faroole ayaa waxa ay sheegeen in Faroole iminka uu wado qorshayaal uu ku askareynayo caruur wax ka baran jirtay iskuulada gobalkaasi ku yaala.

Warar Keydmedia Online | 6 December 2010

Baay(Keydmedia) Wararka aynu ka heleyno gobalka Baay ee Soomaaliya ayaa sheegaya in biyo la’aan aad u daran ay ka jirto xiligan deegaano ka tirsan gobalkaasi oo ay ku nool yihiin dad isugu jira barakacayaal, xoola dhaqato iyo beeraley.

Warar Keydmedia Online | 6 December 2010

Nairobi(keydmedia) Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa xalay xabsiga u taxaabay dad u badan Soomaali oo ku sugnaa xaafadda Islii ee ay Soomaalidu degto

Warar Keydmedia Online | 5 December 2010

Muqdisho(Keydmedia) Waxaa aad isu soo taraya warar is burinaya oo ku saabsan halka uu ku danbeeyay furaha Internet-ka Soomaaliya ee ahaa .So kaasoo in badan la aaminsanyahay in la iibsaday

Warar Keydmedia Online | 5 December 2010

Sports(keydmedia) Waxaa aad isu soo taraya eedeymaha loo jeedinayo xiriirka kubadda Cagta aduunka ee FIFA tan iyo bilowgii ilaa gabagabadii cod u qaadista dalalka marti galin doona ciyaaraha aduunka sanadaha 2018-2022,taasoo natiijadii ka dhalatay lagu dhawaaqay khamiistii aynu soo dhaafnay.

Warar Keydmedia Online | 5 December 2010

Mudug(Keydmedia) Wararka naga soo gaaraya degmada Galdogob ee gobalka mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay miino kula kacday gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo rakaab ah.