Nuxurka Khudbadihii Shirka Mudullood ee ka socda Muqdisho

Shirka Mudullood oo Muqdisho ka soconaya ayaa maalintii labaad galay, waxaana khudbado ka jeediyay Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beelaha ku metelaya Baarlamaanka iyo Wasiiradda katirsan Xukuumadda Soomaaliya. 

Warar Keydmedia Online
Nuxurka Khudbadihii Shirka Mudullood ee ka socda Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Mudullood oo maalintii labaad ka socda Mowlaca Maclin Nuur ee Muqdisho, ayaa laga jeediyay khudbado looga hadlay arrimo kala duwan, oo ay kamid tahay siyaasadda cakiran ee xiligan ka jirta dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Madaxweyniyaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, Odayaasha dhaqanka, Nabaddoono, Siyaasiyiin iyo Xildhibaannada Beesha ku metela labada Golle ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda Soomaaliya, ayaa Shirweynaha wadatashiga ka qeybgalaya.

Malaaq Cali Malaaq Mohamed Weheliye, oo maanta furay shirka qeybtiisa labaad, ayaa sheegay in wada-tashiga iyo talada oo la wadaago ay tahay waxa Beesha hormar ku gaari karto.

Boqor Cabdullaahi Geeddi Shadoor ayaa isna ku sheegay khudbadiisa in Mudullood waxa ka maqan kaliya ay tahay midnimo la'aan, isagoo ugu baaqay isku duubni iyo aragti mideysan.

"Cudurka na hayo waa midnimo la'aan, haddii aan isku aragti noqonno wax waliba way iska hagaagayaan, waxaad ogaataan waxa naga maqan waa talo-wadaag, ee maal kale nagama maqna," ayuu yiri Boqor Shadoor.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay, kuna celceliyay in laga midoobo, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Awoodda iyo Walaalnimada, isagoo xusay in intaas hadii la mideeyo ay Soomaali oo dhan hoggaamin karto.

“Mudulloodow sii aan isagu duubnaano waxaan u baahanahay in aan ka midowno Dhaqanka, Dhaqaalaha, Awoodda, intaas oo aan ku darno iskaashiga walaalnimo iyo inaan talada guud ka midowno waxay noo horseedaysaa in Soomaali aan hormuud u noqono markale isku keenisteeda," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa khudbadiisa ku sheegay in deegaannada Beesha ay degeensadeen waxuu ugu yeeray "cadow", ku ilmo dhalay, dadka ku noolna aysan Waxbarasho iyo Caafimaad heysan.

“War annaga xoolaheena iyo xoogeena in aan aragno alle hana tuso, deegaanadeena iyo dadkeena dadka waa ugu dambeeyaan, cadow ayaa heysta, wey ku ilmo dhaleen, wey ku qaan gaari rabaan, shacabkeena miyiga degan goobo waxbarasho malahan, caafimaad tayo fiican malahan, dhibkaas jira inaan hiigsi ka yeelano ayaan rabnaa," ayuu yiri Axmed Daaci.

Dr Caa'isha Cumar Kablow oo maqaamka Muqdisho ka hadashay ayaa sheegtay in muran la gelinayo, lagana meer-meerayo.

"Maqaamka Muqdisho meer meeris uma baahna, Magaaloyinka Rome iyo New York dad ayaa leh, mana lala sheegto, maxaa annaga Caasimadda muran joogta ah loo geliyaa? Muqdisho muran lama gelin karo, waana in deg-deg maqaamkeeda loo helaa," ayay tiri Caa'isho Kablow.

Nabaddoon Ibraahim Cumar Cosobow ayaa sheegay in Mudullood ay shanta Soomaaliyeed la degaan, hadane aysan ka muuqan, taasina ay tahay wada-taashi la'aan.

"Shanta Soomaaliyed ayaan degnaa, haddana kama dhex muuqanno, dhibka na haysta waa wadatashi la'aan ee Mudulloodow dantiinta ogaada oo Soomaali wax la qaybsada," ayuu yiri nanadoon Carabow.

Xildhibaan Farxiyo Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in natiijada shirkaan si weyn loo wada sugayo, waana in laga soo saaro qodobo caqabadaha jira looga gudbi karo.

"Waxaa nagala sugayaa natiijada shirkan kaso baxda, waxaan hoosta ka xariiqayaa dib u heshiisiinta wax weyn oo looga gudbi karo caqabadaha hadda jira, waxaana ku baaqayaa  iyada diiradda la saaro," ayuu hadalkiisa ku daray.

Shirkaan ayaa la filayaa in maalinta beriri ah lasoo gabagabeeyo, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo isku duubnida Beesha. 

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.