Al-Shabaab oo laga saarey degmada Kuntunwaarey

Howlgalka ayaa wali socda, iyadoo malleeshiyaadka Al-Shabaab ay u carareen dhinac degmada Sablaale oo katirsan isla gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Al-Shabaab oo laga saarey degmada Kuntunwaarey

KUNTUWAREY, Soomaaliya - Ciidamada DANAB iyo kuwa AMISOM ayaa saakay fuliyay howlgal wadajir ah, oo ay kula wareegeen gacanta ku heynta degmada Kuntuwaarey, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo mudo sanado ah Kooxda Al-Shabaab ka talinaysay.

Qaar kamida dadka degaanka, oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in malleeshiyaadkii Al-Shabaab ee laga saarey degmada ay u baxsadeen dhanka Sablaale, iyadoo Ciidanka huwanta ah ay wali howlgallo kasii wadaan degaanada banaanka ka ah Kuntuwaarey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa u ahayd degmada xarun Maxkamad shacabka u doontaan iyo saldhig ay ku tababarto dagaalyahanadda, waxaana la wareegisteeda ku noqonaysaa dharbaax ku dhacday awoodeedii gobolka xudunta u ah duqeymaha Mareykanka.

Dhowr jeer ayay Ciidanka dowladda qabsadeen magaaladda, haddana dib uga soo baxay iyagoo u ogolaaday Al-Shabaab inay dib ula wareegto, waxaana la ogeyn inay sii joogi doonaan iyo inay dib u gurasho sameyn doonaan.

Waxay ku taalla Kutuwaarey wadada isku xirta Muqdisho iyo Baraawe, oo AMISOM dhibaato ku qabtay inay sahayda u marsiiso Ciidanka ku sugan gobolka, kadib markii dhowr jeer lagu weeraray kolonyada gaadiidkeeda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.