Fahad, Farmaajo & Shabaab

Wada shaqeynta Shabaab iyo Farmaajo

Maqaallo Keydmedia Online

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Farmaajo wuu oggolyahay wada shaqeynta Kooxda mintidiinta ah ee Al-Shabaab, “Shaki kuma jiro in laba Shabaab wada Shaqeeyaan” Kooxda Kalamaan.

Wada shaqeynta Shabaab iyo Farmaajo

Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Farmaajo ayaa lagu neynaasaa, wuxuu sidaan ogsoonahay horay usoo noqday Ra’iisulwasaare dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Shariifkii ka yimid Maxaakiimta Islaamiga ee ku lammaansanaa Shabaabka maanta burburinta ku wada dowladnimada ka hana-qaadday Soomaaliya. Xafiiska ayaa laga eryay isagoo dib ugu laabtay magaalo ku taal waddanka Mareykanka ee uu ku noolaa tan iyo 1980 -yadii xilligaas oo uu galay US.

Wuxuu maanka ku hayay sidii uu ku soo laaban lahaa, waddo kasta ee uu u mari karo ayuu qorshaheeda dajiyay isagoo kaashanaya shakhsiyaad Daaha gadaashiisa wax ka maamula oo qarsoon, wuxuu ku beer-laxawsaday 6 qodob oo uusan midkoodna wax ka qaban Xildhibaanadii Baarlamanka Soomaaliya ee soo dooranayay madaxweynaha JFS.

Fahad Yaasiin oo ah shakhsi qunyar socod ah, laguna xanto in uu kamid ahaa Islaaxdii xag-jirnimada usaaxiibka ahaa, ayaa wuxuu ka caawiyay madaxweyne Farmaajo in uu soo fuulo kursiga Villa Soomaaliya, isagoo dhaqaale uga soo qaaday dowladda Qadar oo saaxiib dhaw la ah DF. Fahad iyo Farmaajo iyagoo u abaal gudaya dowladda Qadar maadaama ay door weyn ku lahaayeen soo bixitaankiisii waxay dalka ka eryeen, xiriirkiina u jareen dowladihii Sacuudi Carabiya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) oo labaduba xiriir dhaw la lahaa Soomaaliya tan iyo in muddo ah.

Fahad Yaasiin waxaa lagu sheegaa in uu yahay shakhsiga kaliya ee uu madaxweyne Farmaajo wax ka maqlo, waxaana loo dhiibay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA, awaamiirta madaxweynaha ee sharciyeysan fulintooda kasokoow Fahad wuxuu hoosta ka wataa awaamiir kale oo aan lahayn meel kale ee ay ka yimaadeen, isagaa go’aan ka qaata tallaabooyinka uu doonayo in uu horay u dhaqaaqo, mararka qaar wuxuu dib ugu soo laabtaa madaxweynaha isagoo dhammeystiray qorshihii uu doonayay, taasina waxay caddeeneysa in Fahad yahay Shakhsiga keliya ee ka awood sarreeya madaxweynaha Farmaajo!

Keydmedia Online ayaa maanta warbixin dheer uga hadashay shaqsiga uu yahay Fahad Yaasiin iyo taariikh nolodeedkiisa. Sidee hore usoo qortay KON, Fahad wuxuu dhashay 1977 ama 1978. Taariikhdiisa dadka inta badan kalama yaqaanaan. Baasabooradiisa Soomaaliga iyo Kenya waxaa ku qoran macluumaad kala duwan oo noloshiisa ku saabsan.

Markii xukunka laga tuurey kaligii-taliskii Maxamed Siyaad Barre 1991, Fahad iyo qoyskiisa waxay u carareen Kenya, iyagoo qaxooti ku noqday xerada Utanga, oo ku dhaw magaaladda Mombasa.

Intii uu ku noolaa xerada qaxootiga, Fahad waxaa xag-jireeyay C/shakuur Cali Mire iyo Jamaal Maxamed Xasan, oo ku biiriyay Ururka Al-Itixaad al-Islamiya, oo ku jira liiska argagaxisadda Mareykanka iyo QM.

Fahad, Farmaajo & Al-Shabaab

Fahad wuxuu ka shaqeynayaa soo laabashada mar kale iyo Farmaajo, dowlad goboleedyada oo dhan talada lagu dhisay qeyb ayuu kulahaa, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen in loo dhiibo Galmudug iyo Koonfur Galbeed isagaa hoosta ka xarriiqay, waxaana la ogaaday goor dambe, markii uu meesha ka baxay Ra’iisulwasaarihii Af-ka-noolka ahaa ee Xasan Kheyre.

Fahad Yaasiin si cad oo aan qarsooneen ayuu u maamulay dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayuu uxulay in ay Hirshabeelle 'barwaaqo' gaarsiiyaan, wuxuuna xildhibaanno uga dhigay qaar kamida saraakiishii Nabad sugidda.

Taliye Fahad Yaasiin waxa uu ka soo jeedaa beel kamida beelaha loogu yeeri (.5) oo ay ku dhan yihiin beelaha aan Hubeysneyn, hayeeshee Fahad isaga ayaa horseed u ah hoggaanka ciidamada awoodda sare leh ee Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), wuxuu darajo sare u magacaabay shakhsiyaad ka tirsanaa hoggaanka saree ee Kooxda Al-Shabaab, taasoo shaaca ka qaadday in isaga naf ahaantiisa ka mid yahay kooxdan, sidoo kalena xiriir uu la leeyahay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo isna ogolaaday in uu la shaqeysto xiriirna uu kala dhaxeeyo Kooxda Argagixisadda ee Al-Shabaab.

Silsiladda wada-shaqeynta Shabaab iyo Farmaajo waa mid uu salka u dhigay Fahad Yaasiin, taliyaha Nabad suggida. Saaxiibo ku dhaw-dhaw taliyaha ayaa waxay sheegeen in uu waddanka Yemen u aaday sidii uu usoo baran lahaa diinta Islaamka, qaar kalena waxay leeyihiin wuxuu aaday waddanka Pakistan, waana labada waddan ee ay kasoo aas-aasmeen xudduna u ah ururka argagaxisada ah ee Al-Qaacida!

Isagoo Wariye ah ayuu dhwor jeer la kulmay shakhsiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ay aad u adkeyd in xiriir lala sameeyo, ama war laga helo. Taleefishinka ku hadla afka Carabiga ee laga leeyahay waddanka Qadar ee Al-Jaziira ayuu uga soo warrami jiray Soomaaliya iyo guud ahaan Siyaasadda Geeska Afrika.

Intii uu xafiiska joogay madaxweyne Farmaajo marna looma dhaqaaqin in la iska caabbiyo Kooxda Al-Shabaab oo weli ka taliya deegaanno kamida Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sidoo kale waxay lacago baad ah ka qaataan ganacsatada ku dhaqan dhulka ay gacanta ku hayso dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxayna sidoo kale koontooyin ay dhaqaalaha ku uruursadaan ku leeyihiin Bangiyada gaarka loo leeyahay ee ka howl gala magaalada Muqdisho.

Intaa oo dhan waxaa u sahashay wada shaqeynta tooska ah ee aan qarsooneen taasoo ay la leeyihiin madaxda ugu sarreysa hoggaanka dalka.

“Shaki kuma jiro in laba Shabaab wada Shaqeeyaan” Kooxda Kalamaan.

KEYDMEDIA ONLINE




Maqaallo 1 August 2022 1:04

Waxaa laga soo gudbay Xiligii kutiri-kuteen iyo “Saas baa la yiri” oo aan sal iyo raad toona laheyn oo la’isla dhexmari jiray, lagana xaqiiqa been sheegi jiray Dhacdooyinka Taariikhiga ah ee soo maray Bulshada Soomaaliyeed.