KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Weerarka ayaa ka dhacay meel ku dhaw Buundada laga galo degmada Buurdhuubo, oo katirsan gobolka Gedo halkaasoo Ciidamada Itoobiya ay saldhig ku leeyihiin,
MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Askari oo u dhadhay Itoobiya ayaa lagu dilay weerar hoobiye oo xalay lagu qaadey saldhig ay ku leeyihiin degmada Buurdhuubo, oo katirsan gobolka Gedo.
Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay in labo askari ay ku dhimatay weerarka, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Ma jiraan warar madax-banaan oo xaqiijinaya duqeynta.
Ciidamada Itoobiya waxa saldhig ku leeyihiin nawaaxiga Buundada laga galo Buurdhuubo, oo ay ka ilaaliyaan inay argagaxisadda ay burburiso, waxayna halkaasi ku sugnaayeen tan iyo 2014 markii degmada ay dowladda la wareegtay.
AMISOM ayay kamid yihiin Ciidamada Itoobiya ee la weeraray, mana jiro war kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ee fadhigiisu yahay xerada Xalane, ee magaaladda Muqdisho.
Gobolka Gedo waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhayay weerarada qaraxyada ay Al-Shabaab la eegato Saraakiisha Ciidanka ee ku safraya wadooyinka isku xira degmooyinka, waxaana ugu dambeeyay mid shalay ka dhacay duleedka Luuq.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.