Beesha Caalamka: Doorashadda Farmaajo uu rabo baa dhacaysa

Hadalka Saaxiibadda Beesha Caalamka ayaa u muuqda mid jawaab u ah warqaddii Maanta ay Musharixiinta Mucaaradka u direen ee cabashadda hanaanka doorashadda.

Warar Keydmedia Online
Beesha Caalamka: Doorashadda Farmaajo uu rabo baa dhacaysa

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiiladda dalalka ajnabiga u fadhiya Muqdisho ayaa Caawa soo saarey War-Saxaafadeed ay ku taageereen qorshaha Farmaajo inuu dalka ka qabto doorasho aan loo dhameyn.

Waxay sheegeen inaan waxba laga bedeli doonin, islamarkaana gorgortan laga galaynin heshiiskii doorashadda 17-kii September 2020 lagu gaarey Villa Somalia, kaasoo ay wada saxiixeen Farmaajo iyo Madaxda Maamulladda.

"Heshiiska 17kii Sebtember wuxuu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021. Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii Sebtember ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda," ayaa lagu yiri qoraalka.

Saaxiibada Beesha Caalamka waxay sheegeen in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin, iyagoo hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed oo Musharaxiinta si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyadooda.

Hadalkan ayaa ah mid looga digayo Musharixiinta inay kasoo horjeestaan doorashadda uu Farmaajo qabanayo, islamarkaana ay fowdo sameeyaan, waxaana cadaatey inay dowladaha Beesha Caalamka wax dan ah ka lahayn in Soomaaliya doorasho xor iyo xalaal ah ka dhacdo.

Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayaa Maanta Warqad ay kaga cabanayeen boobka uu Farmaajo ku hayo hanaanka doorashadda u direen Beesha Caalamka, oo ugu baaqeen inaysan dhaqaale ku bixin hanaan hal qof wato, oo lagu muransan yahay.

Qaar kamid ah qodobada Heshiiskii doorashadda September 17, 2020.

  1. In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.
  2. In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.
  3. In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.
  4. In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.
  5. In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.
  6. In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
  7. In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.
  8. In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Somaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
  9. Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.
  10. In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay'daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.