Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya oo lacagta laga jartay

Ciidanka Kenya waxay Soomaaliya soo galeen 2011, iyagoo fulinaya howlgal gaar ah, waxayna sanad kadib ku biireen AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya oo lacagta laga jartay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ayaa lumiyay kala bar lacagta ay ka heli jireen Midowga Yurub iyo dalalka kale ee taageera howlgalka Midowga Afrika ee ka socda dalka, kaasoo ku guul-dareystay 13-kii sano ee lasoo dhaafay in la wiiqo awoodda Al-Shabaab.

Xoghayaha maaliyadda Kenya Julius Muia, ayaa u sheegay Isniintii Baarlamaanka dalkaasi in dowladda Uhuru Kenyatta uu hogaamiyo ay ka heshay Midowga Yurub 45 milyan oo dollar 12-kii bilood ee sanadkii 2019, iyadoo fileysay lacag gaareysa 85 milyan oo dollar.

Julius Muia wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay timid kadib markii July 2018 ay dowladda Kenya si qarsoodi ah askar ugala baxday Soomaaliya, taasoo Midowga Yurub uu ogaadey, wuxuuna dhimay lacagta 50%, maadaama Ciidankii uu Mushahaarkooda bixin jiray ay tiradoodu ka yar tahay sidii hore.

Beesha caalamka waxay siisaa askar kasta oo kamid ah AMISOM $ 1,028 bishii, dowladaha dalalka ay ka socdaan waxay markaas ka jaraan qiyaastii $200 kharashaadka maamulka, taas oo uga dhigeysa inay soo gaareyso $800 oo nadiif ah.

Askarta Kenya ee ku sugan dalka waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 4,000, kuwaasoo tacadiyo kala duwan lagu eedeeyay inay ka geysteen Gedo iyo meelaha ay ay ka howlgalaan, iyagoo duqeymo ku laayay dad iyo duunyo.

Dalalka Kenya, Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya ayaa kasoo jeedaan Ciidamada AMISOM, oo markii hore tiradoou ahayd 22,000, balse hadda soo baxday inay jiraan askar si qarsoodi ah loo qaadey, haddana dowladahooda ay lacagta qaataan.

Sida Keydmedia Online qortay March 2021, taliska AMISOM iyo Madax katirsan Ururka Midowga Afrika oo fadhiya Addis Ababa ayaa lagu helay fadeexad Musuq-maasuq ah inay qaataan Mushaarka askar howlgalka ku dhintay iyo kuwa shaqada ka tagey. [Halkan ka akhri].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.