Cirro “Arinta Gedo waxba kama qaban karno”

Gudiga doorashooyinka ee lagu muransan yahay ee labo jeer soo saarey jadwal ku saabsan soo xulista xubnaha Aqalka Sare, balse shaqeyn waayay.

Warar Keydmedia Online
Cirro “Arinta Gedo waxba kama qaban karno”

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada Maxamed Xasan Cirro, ayaa shaaciyay in khilaafka ka taagan degaan doorashadda Garbahaarey uu yahay mid aysan iyagu waxba ka qaban karin.

Cirro wuxuu sheegay in arinta ay tahay khilaaf siyaasadeed gudiga awooddiisa ka baxsan inuu wax ka qabto, balse loo baahan yahay in Farmaajo iyo Axmed Madoobe ay xal ka gaaraan waxyaabaha ay isku hayaan.

Axmed Madoobe wuxuu dalbanayaa in maamulka doorashadda Garbahaarey isaga lagu wareejiyo, sidoo kalena uu Farmaajo kasoo qaado ciidanka uu geeyay sanadkii lasoo dhaafay, kuwaasoo burburiyay maamulkii Jubbaland ee ka dhisnaa Gedo.

Khilaafka Gedo ayaa salka ku haya 16-ka kursi ee laga soo dooranayo Garbahaarey, oo Farmaajo uu rabo inuu musuq-maasuqo oo xubno isaga u codeyn doona doorashadda Feb 8 -deeda soo saaro, taasoo Axmed Madoobe ka diiday.

Guddiga doorashadda ayaa dhexda ka galay khilaaf siyaasadeedka ka jira dalka oo ay qeyb ka tahay dhismihiisa, mucaaradkana ay sheegeen in lagu soo daray xubno katirsan NISA, Shaqaalaha dowladda iyo taageeriyaasha Farmaajo.

Labo jadwalka oo shaqeyn waayay ayuu gudiga soo saarey tan iyo bishii lasoo dhaafay, waxaan midkii ugu dambeeyay uu maanta ku eg yahay, oo la filayay in Maamullada soo gudbiyaan liiska musharxiinta kuraasta Aqalka Sare.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.