Daahir Geelle: Farmaajo wuxuu noqday Kaligii-taliye miciyo leh

Musharaxa ayaa ku eedeeyay Maamulka Farmaajo inuu burburiyay dimuqraadiyadda curdunka ah ee Soomaaliya, islamarkaana uu hirgelinayo nidaam Kaligii-talis ah.

Warar Keydmedia Online
Daahir Geelle: Farmaajo wuxuu noqday Kaligii-taliye miciyo leh

MUQDISHO, Soomaaliya - Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ah Musharaxiinta Shirka uga socdo Muqdisho maalintii 2aad ayaa sheegay in dimuqraadiyaddii curdunka ahayd ee ka jirta Soomaaliya isku bedeshay kaligii-talismo miciyo leh.

Wuxuu xusay in Farmaajo uu qaloociyay geedi-socodka dowladnimada dalka, islamarkaana uu hirgelinayo xukunkii kaligii-taliska uu ka dhaxlay adeerkiisa Siyaad Barre, kaasoo la riday 30 sano kahor markii shacabka ay diideen.

"Dimuqraadiyadii curdunka ahayd ee Soomaaliya waxay isku bedelaysaa digtaatooriyad miciyo leh oo dhulka hoos u gashay, waxaan ka digaynaa khatarta kusoo wajahan geeddi socodka siyaasadda dalka," ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle.

Wuxuu hadalkan ka sheegay Shirka shalay Musharixiinta uga furmay magaaladda Muqdisho, kaasoo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, iyagoo ku baaqey in la qabto doorasho ku dhacda si nabdoon, oo xor iyo xalaal ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa burburinayaan siyaasadda Soomaaliya iyo Ciidamada, sida uu ku eedeeyay Xasan Sheekh oo soo noqday Madaxweynihii 8aad ee dalka, islamarkaana haatan kamid ah Madasha Xisbiyadda Qaran.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.