Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu baaqey

Hadalka Lafta Gareen ayaa imaanaya xili dalka uu doorasho ku jiro, islamarkaana Al-Shabaab ay labo jibaartay weerarada, si ay u carqaladeyso codbixinta lagu go'aaminayo mustaqalka Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo lagu baaqey

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, C/Casiis Lafta-Gareen ayaa ku baqey in loo midoobe ciribtirka Kooxda Al-Shabaab oo dhibaato ku haysa amniga.

Wuxuu cambaareeyay qarax shalay ka dhacay degmada Berdaale ee gobolka Baay, oo dad shacab ah lagu xasuuqey, isagoo sheegay in weerarka uu tusaale u yahay sida Al-Shabaab aysan ugu naxaynin maatida.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed," ayuu yiri Lafta-Gareen.

Madaxweynaha ayaa xusay in maamulkiisa ka go'an tahay inuu Al-Shabaab ka saaro degaanada ay weerarada kasoo abaabusho, si Koonfur Galbeed u noqoto meel nabdoon, oo ku badbaadaan shacabkeeda, mudada dheer kusii jiray qaraxyada iyo go'doominta degmooyinka Baay iyo Baay.

Hadalka Lafta Gareen ayaa imaanaya xili dalka uu doorasho ku jiro, islamarkaana Al-Shabaab ay labo jibaartay weerarada, si ay u carqaladeyso codbixinta lagu go'aaminayo mustaqalka Soomaaliya. Markii la doortay 2017, Farmaajo wuxuu balan-qaadey 2 sano inuu Al-Shabaab uga adkaan doono, waana balan-qaad uu ku fashilmay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.