DF oo cambaareysay weerarkii Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go'an sii xoojinta dagaalka ka dhanka ah Kooxda Naflacaaridka ah ee Alshabaab.

Warar Keydmedia Online
DF oo cambaareysay weerarkii Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qarax ka dhacay Galabta 5:40-daqiiqo ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku dhaw Madaxtooyadda sida aadka ah amaankeeda loo ilaaliyo.

Qaraxa inta ilaa hada la ogyahay waxaa ku dhintay 3 qof , halka 7 kalana ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo ay ku jiraan Askari ilaalada Madaxtooyadda katirsan iyo Sirdoonka NISA, sida ay illo-wareedyo u sheegeen Keymedia Online.

Qaraxa oo uu fuliyay Qof naftii halige ah oo xirnaa jaakadda walxaha qarxa lagusoo xiray kaasoo bartilmaameedsaday Maqaaxi lagu magacaabo Blue Sky oo ku taala Dagmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.

Filcilkaan ayaa muujinaya sida ay u bedeshay Alshabaab qaraxyadeedii Muqdiso oo hadda ay fulinayaan dad socda oo xiran jaakadaha Is-miidaaminta, xilli aad u difiicay Ammaanka magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go'an sii xoojinta dagaalka ka dhanka ah Kooxda Naflacaaridka ah ee Alshabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.