Dhacdo argagax leh: Askari bam ku laayay qoyskiisa

Booliiska dowladda Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho wali wax war ah kama soo saarin dhacdadan dhimashada badan dhalisay.

Warar Keydmedia Online
Dhacdo argagax leh: Askari bam ku laayay qoyskiisa

MUQDISHO, Soomaaliya - Nin milateri ah ayaa bam gacmeed ku tuuray guriga qoyskiisa habeenimadii Isniinta, halkaas oo uu ku dilay shan qof oo ka mid ahaa hooyadiis iyo walaalihiis, sida Goobjooge u sheegay Keydmedia Online.

Askariga oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tagey gurigiisa isagoo sakhraansan [Qamri cabsan], iyadoo hooyadiis iyo eheladiisa ka qaadeen qoriga uu watey ee AK-47 kadib markii ay ogaadeen inaysan maskaxdiisa caadi ahayn.

"Wuu tagey markii qoriga laga qaadey, laakiin wuxuu la soo noqday bam gacmeed taasoo uu ku tuuray guriga, isagoo dilay hooyadiis iyo 4 caruur ah oo la dhashay," ayuu yiri qof ku sugan xaafadda Cali Kamiin ee degmada Warta Nabada, oo dhacdadan ka dhacday.

Walaalkiis iyo adeerkiis ayaa dhaawacmay, isaguna waa dhaawac. Saddexda qof ayaa la dhigay isbitaalka. Booliisku wax war ah kama soo saarin dhacdadan dhimashada dhalisay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.