Dhaqanka Caburinta Farmaajo oo gaarey reer Hiiraan

Kaligii-taliyaha waxaa lagu yaqaanaa inuu burburiyo nidaamka dimuqraadiga lagu doortay, islamarkaana uu caburiyo shacabkiisa, una diido inay fekerkooda si xor ah u cabiraan.

Warar Keydmedia Online
Dhaqanka Caburinta Farmaajo oo gaarey reer Hiiraan

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Waxaa Maanta Beledweyne ka dhacday dhacdo xanuun badan kadib markii Ciidamada dowladda Farmaajo iyo AMISOM ay si bareer ah rasaas ugu fureen shacab banaannax si nabdoon uga dhigayay Magaaladda.

Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhaawacmay rasaasta, iyadoo xabsiga la dhigay in ka badan 50 qof oo sababta xabsiga loo dhigay tahay inay cabireen ra'yigooda, oo ay kasoo horjeesteen nidaamka kaligii-taliska ku dhisan ee Farmaajo.

Dadka ayaa isagu soo baxay wadooyinka kadib markii magaaladda lagu soo daadiyay Ciidamo hubeysan, oo qab-qabtay dhalinyaro ganacsato iyo waxgarad loo arkay inay kasoo horjeedaan maamulka Farmaajo.

Waxay ahayd arin aan ku cusbayn dhegaha shacabka Hiiraan, maadaama ay ka maqli jireen warbaahinta in Muqdisho lagu rasaaseeyay dibadbaxayaal Farmaajo kasoo horjeeda, oo dareenkooda diidmada ku aadan boobka doorashadda cabirayay.

Waa dhaqan caadi ka noqday dalka rasaasseynta mudaharaadiyaasha intii uu jiray xukunka Farmaajo, oo dhalashiisii loo sameeyay dabaal-deg kusoo dhamaadey kacdoon shacab iyo diidmo kadib markii wixii laga filayay wax ka duwan la yimid.

Xaaladda Beledweyne ayaa kacsan, waxaana la geliyay Bandow habeenkii ah, iyadoo wararka ay sheegayaan in Wasiirka Amniga DF Mukhtaar Xuseen Afrax uu ku sugan yahay magaaladda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.