Dibadbax ka dhan ah DF oo ka dhacay Muqdisho

Boqolaal qof oo rag iyo dumar isagu jira ayaa isagu soo baxay fagaaraha Tarabuunka ee magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Dibadbax ka dhan ah DF oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Dad badan oo ka caraysan ayaa Maanta isagu soo baxay wadooyinka qaar ee magaaladda Muqdisho, kuwaasoo kasoo horjeeda maamulka Madaxweyne Farmaajo.

Dibadbaxayaasha ayaa isagu tagey fagaaraha Tarabuunka ee degmada Hodon, iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Farmaajo oo ay ku eedeeyeen dilka gudoomiyihii degmada Hodon, oo xalay ka dhacay Wadada Aadan Cadde.

Banaanbaxa intii uu socday, dadka careysan ayaa jidka xiray, iyagoo ku gubey taayarro, iyadoo la xiray ganacsigii jidka Tarabuunka ku yaallay kadib markii dhagxaan lagu tuuray.

Waxaa laga dalbaday dowladda inay si deg deg ah cadaaladda u horkeento dadkii ka dambeeyay dilka mas'uulka, oo Ra'iisul Wasaare Rooble uu ku tilmaamay nasiib darro.

Ciidamada booliska ayaa lagu eedeeyay dilka gudoomiyihii Hodon C/xakiin Dhagajuun, oo dilkiisa uu dhacay Saacado kadib markii Turkiga uu kasoo laabtay shalay, halkaasoo looga soo daaweeyay qarax November lagula eegtay jidka 21-ka October 2020.

Taliyeyaasha Booliska Hodon iyo Howlwadaag ayaa loo xiray dilka gudoomiyaha, kuwaasoo looga shakisan yahay inay falkan wax ka ogaayeen, waxaana sidoo kale su'aallo la waydiinayaa askartaa ku sugnayd barta koontarool ee dilka uu ka dhacay xalay 2:00 am.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.