Dilal ka dhacay magaaladda Muqdisho

Max'med Aadan Sagaaroow oo kamid ahaa Ergadii wax kasoo dhisay maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay degaanka Ceelasha Biyaha, oo duleedak Caasimadda ku yaalla.

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa labo qof oo midkood ku sheegtay inuu kamid ahaa Nabad Sugida ku dishay magaaladda Muqdisho, oo xalay ka dhacay qarax KM-4 lagula eegtay agaasimaha Hay'adda Socdaalka Maxamed Aadan Koofi.

Dabley hubeysan ayaa degmada Wadajir ku dilay Cabdullaahi Max'med Isxaaq, oo Al-Shabaab sheegtay inuu ahaa Sarkaal NISA kamid ah, iyadoo dilka labaad loo geystay Max'med Aadan Sagaaroow oo kamid ahaa Ergadii wax kasoo dhisay maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo lagu khaarijiyay Ceelasha Biyaha.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.