Erdogan oo drones ka iibinaya madax uu ku jiro Farmaajo

Dhawaan waxaa Muqdisho soo gaarey qeyb kamid ah diyaarado drones ah, oo Turkiga ugu tala-galay in Farmaajo ku dagaal-gallo, maadaama uu kursiga diidey inuu ka dego.

Warar Keydmedia Online
Erdogan oo drones ka iibinaya madax uu ku jiro Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa shalay ka furmay Istanbul shir weyne u dhaxeeya Turkiga iyo Africa kaasoo lagu casuumey madax gaareysa ku dhawaad 40 oo Farmaajo kamid yahay.

Kulanka oo ah kii 3aad oo Turkiga la yeelanayo hogaamiyeyaasha Africa, ayaa sanadkan ka duwan kuwii hore, iyadoo lagu iibinayo hub, diyaaradaha drones-ka iyo qalab militeri.

Hogaamiyaal iyo wasiiro ka socota 39 dal, oo ku jiraan 13 madaxweyne ayaa xaqiijiyay damacooda drobes-ka Turkiga, iyadoo Erdogan u sheegay in hubka qiimo raqiis ah ku siinayo.

Turkiga ayaa horay saldhig Ciidan uga sameysatay Soomaaliya 2017, waxaana la sheegay in Morocco iyo Tunisia ay markii ugu horreysay bishii September geeyay diyaaradaha drones.

Dhawaan waxaa magaaladda Muqdisho soo gaarey qeyb kamid ah diyaarado drones ah, oo Turkiga ugu tala-galay in Farmaajo ku dagaal-gallo, maadaama uu kursiga diidey inuu ka dego.

Drones-ka noocaTB2 Bayraktar ayaa ah mid baahi weyn loo qabo ka dib markii waxtarkooda lagu arkay colaadaha Liibiya iyo gobolka Nagorno-Karabakh dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Diyaaradaha ayaa waxaa sameeyay shirkada gaarka loo leeyahay ee Baykar, waxaana maamula mid kamid ah wiilasha uu sodoga u yahay Erdogan. Soomaaliya ayaana hadda la keenay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.