Fahad Yaasiin oo wado qorshe khatar ku ah amniga Soomaaliya

Al-Shabaab oo galaan-gal ku dhex leh dowladda ayaa ku cadaadiyay taliye Fahad Yaasiin inuu soo afjaro Maxkamadda Ciidanka, garsoorayaasheedana la kala diro ama kuwa kale oo la isla ogyahay lagu badalo.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo wado qorshe khatar ku ah amniga Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Sirdoonka iyo Nabad Sugida [NISA] Fahad Yaasiin ayaa ka shaqeynaya qorshe halis ah, oo uu ku kala dirayo taliska Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida, kadib markii laf dhuun gashay ku noqotay Al-Shabab.

Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa sheegay in Shirka Al-Shabaab ku yeelatay Jimcihii lasoo dhaafay degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu qorsheeyay kala-dirista.

“Waxaa socda qorshe  lagu wiiqayo shaqada Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida oo ahayd meesha kaliya ee ka badbaaday Faalaadka argagixisada dalka qabsatay, waxayna doonayaan in la burburiyo maadama ay ku noqotay laf dhuun gashay,” ayuu yiri Jen Cabdalla.

Xubnaha Al-Shababka ugu jira gudaha dowladda, oo Fahad Yaasiin hogaaminayo ayaa loo xil-saarey inuu ka shaqeeyo sidii Farmaajo xilalka uga qaadi lahaa Xasan Cali “Shuute” iyo Jeneraal Liibaan Cali Yarow,

Shuute oo ah Taliyaha Darajadda 1-aad ee Makaxmada Ciidamada qalabka sida halka Liibaan Cali Yarow, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fara kulul ku hayay argagaxisadda.

Al-Shabaab oo galaan-gal ku dhex leh dowladda ayaa ku cadaadiyay taliye Fahad Yaasiin inuu soo afjaro Maxkamadda Ciidanka, garsoorayaasheedana la kala diro ama kuwa kale oo la isla ogyahay lagu badalo..

Taliska hadda jooga Maxkamadda Ciidanka waxay dilal ku xukumeen boqolaal Al-Shabaab kamid ah, oo kuwa muhiim ah ay ku jireen, iyadoo Maxkamada noqotay unuga kaliya ee sida dhabta ah ula dagaalamaya Kooxdan argagaxisadda.

Safaaradda Mareykanka ayaa labo maalmood kahor soo saartey diginin ku saabsan amniga Soomaaliya, iyadoo sheegtay in musuq-maasuq iyo qaraabo-kiil ka dhex jira dowladda uu caqabad ku noqday dib u habeynta hay’adaha amaanka dalka.

“Waxaa lala wada socdaa in dhawaan Safaarada USA ee Muqdisho ay ka digtay eexda iyo musuqmaasuqa ka dhexjira iyo isbadallada aan sharciga waafaqsanayn ee loogu eexanayo dad gaar ah ( argagixisada u janjera ama gacansaar laleh),” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdalla Cabdalla.

Fahad Yaasiin ayaa markii xilka taliyaha NISA Farmaajo u magacaabey August 2018 xilalkii ka qaadey dhamaan shaqsiyaadkii uu islahaa waxay khatar ku noqon doonaan qorshihiisa inuu hay’adda sirdoonka ka dhigo xarun Al-Shabaab loogu adeego.

Dadkaas waxaa kamid ahaa Jen Cabdalla Cabdalla, oo xitaa laga tiray magaciisa keydka Mas’uuliyiintii NISA soo hogaamisay, waxaana lagu qasabay inuu dalka ka baxo, iyadoo arrimahaasi ay ka dambeeyeen Qatar iyo Al-Shabaab.

Xubnaha ugu badan ee NISA, hogaan iyo askar waa kuwa ka yimid Al-Shabaab, oo u galay hay’adda inay ka maleegaan qaraxyada iyo dilalka mas’uuliyiinta dowladda iyo shaqaalaheeda, iyagoo sidoo kale gudbiya xogta sirdoonka qaranka.

Mareykanka iyo dalalka kale ee dhanka amaanka ka taageera Soomaaliya ayaa la socda Fahad Yaasiin iyo qorshihiisa, iyagoo tukun badan ka qaba NISA kadib markii ay ku milmeen argagaxisadda Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.