KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Bakaal Kooke ayaa dhawaan lagu dilay qarax Miino xili uu jiray Khilaaf isaga kala dhaxeeya Gudoomiyaha Gobolka Gedo, oo xiriir dhaw la leh Itoobiya.
MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa Jen Jamaal Xasan Sarey u magacaabey taliyaha Sirdoonka gobolka Gedo, isagoo bedelaya Bakaal Kooke oo 9-kii bishan lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay duleedka degmada Doolow.
Taliyaha cusub ayaa kamid ahaa Kumaandooska Militeriga Soomaaliya, waxaana ay aad isagu dhaw yihiin C/rashiid Janan, oo horey usoo noqday Wasiirka Amniga Jubbaland, kahor inta uusan isku soo dhiibin dowladdii Farmaajo sanadkii hore.
Jeneraal Jamaal ayaa kamid ah shaqsiyaadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda Axmed Madoobe, waxaana la sheegay in magacaabistii lagu soo beegay xili dowladda qorsheynayso inay Gedo ka billowdo howlgal militeri oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Waxyar kadib magacaabistiisa waxaa Beled-Xaawo tagey C/rashiid Janan iyo Senator Fartaag, oo kasoo jeeda gobolka Gedo, kuwaasoo ka shaqeynaya sidii ay u dhisi lahaayeen maamul cusub.
Gedo waxay ahayd meel lagu kala adkaan waayay oo sanadkii hore oo Farmaajo Ciidan gaar ah u diray, kuwaasoo ka eryaya degmooyinka Maamulladii Axmed Madoobe soo magacaabey.
Bakaal Kooke ayaa dhawaan lagu dilay qarax Miino xili uu jiray Khilaaf isaga kala dhaxeeya Gudoomiyaha Gobolka Gedo, oo xiriir dhaw la leh Itoobiya.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.