Farmaajo oo doorasho ku qabanayo qeybo kamid ah Jubbaland

Farmaajo ayaa noqday Madaxweyne dagaal-ooge ah, oo damaciisu yahay inuu soo celiyo nidaamkii kaligii-taliska Siyaad Barre.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo doorasho ku qabanayo qeybo kamid ah Jubbaland

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Warar Hoose oo ay Warbaahinta Keydmedia Online Heshay ayaa sheegaya in Farmajo uu qorsheeynayo inuu doorasho ka qabto deegano kamid ah Jubbaland xili uu khilaafka kala dhaxeeya Axmed Madoobe aan la xalin.

Villa Somalia ayaa la filaya in Maalmaha Soo Socda ay doorashadda Senetarada Aqalka Sare ku qabato Garbahaarey, taasoo sidoo kale ka dhacaysa Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Banaadir.

Ilo xog ogaal ah oo KON la hadlay iyagoo magacyadooda ka gaabsadey, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo iyo xulafadiisa ay go'aan sadeen inay doorasho aan loo dhameyn qabsadaan bishan gudaheeda.

Doorashadaan ayaa ka maqan Jubbaland iyo Puntland oo siyaasad ahaan Madaxweyne Farmaajo ku matala awood qeybsiga 4.5, maadaama uu yahay nin Daarood ah. Villa Somalia waxay doonaysaa  in gobalka Gedo Xildhibaanada ka soo galaya ay gacanta ku dhigto.

Qorshaga Xukuumadda Farmaajo ayaa ah in doorashada ay ka dhacdo 8 Magaalo, Galmudug (Dhuusamareeb iyo Galkacyo), Hirshabeelle (Jowhar iyo Beledweyne), Koonfur Galbeed (Baydhabo iyo Baraawe), Banaadir [Muqdisho] iyo Gedo [Garbahaarey].

Sikastaba, Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka, ayaa Cabsi iyo Welwel xoogan ka qaba waxa ka dhalan kara doorashooyinka lagu muransan yahay ee Farmaajo uu afduubay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.