Farmaajo oo heshiis shidaal la galay Shirkad Ajnabi xili lagu jiro kala-guur

Farmaajo ayaa August 2021 soo saarey digreeto uu uga mamnuucayo Xukuumadda inay shirkadaha ajnabiga la gasho heshiisyo inta xiliga doorashadda lagy jiro.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo heshiis shidaal la galay Shirkad Ajnabi xili lagu jiro kala-guur

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa heshiis cusub oo dhanka shidaalka ah u saxiixay Shirkad fadhigeedu yahay Mareykanka oo lagu magacaabo COASTLINE EXPLORATION LTD.

Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed ayaa shaaciyay Maanta in heshiiska uu dhigayo in Shirkadda kasoo saarto shidaal 7 baloog ama Ceel oo xeebaha dalka Soomaaliya ku yaalla.

Warqad ku taariikhaysan Maanta, 19-ka Feb ayuu Wasiirka ku sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Maamulada dalka ay tobanaan milyan oo dollar ka faa'idi doonaan heshiiska shidaalka.

Wasiirka ayaa qiray in Farmaajo uu gacan ku siiyay inuu galo heshiiskan, oo kusoo aadaya xili dalka uu ku jiro marxalad kala-guur ah, oo doorashadda Baarlamaanka cusub ay socoto.

Waxaan ku faraxsanahay in aan iclaamiyo inaan saxiixnay Heshiis Wax Soo Saar Wadaag 7 xirmood oon la galnay COASTLINE EXPLORATION LTD. Waa guul usoo hoyatay Ummada Soomaaliyeed. Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyaha JFS oo igu garab siiyey iguna tirtirsiiyey dhammaystirka hawshan," ayuu yiri Wasiirka.

Hadal-heyn xoogan aya aka dhalatay durba heshiiska soo shaac-baxay, iyadoo dad badan ku micneeyeen mid Farmaajo oo ku raadinayo dhaqaale uu ku galo doorashaddiisa markii 2aad.

Feb 2020, ayuu MW hore Farmaajo saxiixay Sharciga Batroolka, iyadoo xiligaas kadib Wasiir C/rashiid uu wareegayay dalalka dibadda, isagoo si hoose u xaraashaya Xirdmooyin Shidaal.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.