Farmaajo oo xanibay Lacag World Bank siiyay Maamullada

Keydmedia Online ayaa ogaatay xogta ku saabsan cadadka lacagta uu Farmaajo xannibay, oo ku jirta hadda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaana arintan qeyb ka tahay khilaafka u dhaxeeya DF iyo Maamullada.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo xanibay Lacag World Bank siiyay Maamullada

Bangiga Adduunka [Xaquuqda Sawirka: KEYDMEDIA]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hakiyay Malaayiin dollar oo Bangiga Adduunka ugu deeqay sanadkan in lagu kabo miisaaniyad sanadeedaka 2020 ee DF iyo Maamul Goboleedyada xili lagu guda jiro marxalad doorasho.

Keydmedia Online ayaa ogaatay xogta ku saabsan cadadka lacagta uu Farmaajo xannibay, oo ku jirta hadda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaana arintan qeyb ka tahay khilaafka u dhaxeeya DF iyo Maamullada.

Lacagta oo gaaraysa 55 milyan oo dollar, ayaa Bangiga Adduunka ugu talo-galay Kabka Miisaaniyadda Soomaaliya, waxaana lagu qoondeeyay sida loo qeybsanayo shir socday labo maalmood 11-12 bishii August, oo Muqdisho ku yeesheen Wasiirka Wasiiradda Maaliyadda dowladda Dhexe iyo Maamullada.

Qoondada Deeqda World Bank:

Galmudug: $4 million
HirShabeelle: $3 million
Jubbaland: $3 million
Koonfur Galbeed: $3 million
Gobolka Banaadir: $3 million
Somaliland: $11 million
Puntland: $9 million
Dowladda Federaalka: $19 million

Lama oga sababta Farmaajo u joojiyay bixinta lacagtan, laakiin macluumaad ay heshay KON ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu doonayo in dib loogu noqdo qaabka loo qeybiyay, oo ka muuqato in Maamullada qaar, sida Puntland iyo Somaliland loo sed-buriyay.

KON ayaa daabacday 6-dii bishan warbixin xasaasi ah, oo tooshka ku ifisay musuq-maasuq iyo boobka hantida dadweynaha ee ka dhex jira dowladda iyo in qaar kamid ah Wasiiradda Xukuumadda xil-gaarsiinta lasoo taagayo Maxkamad. [

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.