“Farmajo mid ha noqdo Kaabo qabiil ama Madaxweyne Qaran”

Aqoonyahanka ayaa aamisansan in MD Farmaajo hadii uu oday qaran yahay danta dalka u sameyn lahaa tanaasul si looga gudbo caqabadaha ka taagan doorashadda, laakiin laga waayay wixii dadka ka filayeen.

Warar Keydmedia Online
“Farmajo mid ha noqdo Kaabo qabiil ama Madaxweyne Qaran”

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo waxuu noqday hogaamiye qabiil, oo shaarkqa qaranka ku difaacaya qabiilkiisa Mareexaan iyo Gobolka Gedo, sida uu qabo Prof Cabdi Ismaaciil.

Aqoonyahanka ayaa aamisansan in MD Farmaajo hadii uu oday qaran yahay danta dalka u sameyn lahaa tanaasul si looga gudbo caqabadaha ka taagan doorashadda, laakiin laga waayay wixii dadka ka filayeen.

“Arinta Gedo waa wax la xalin karo, hadii uu Farmaajo ula dhaqmo sidii Puntland iyo Maamullada kale… Madaxweynaha waa inuu kala doortaa kaabo qabiil gobolka kasoo jeeda difaacaya ama Madaxweyne Qaran,” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil, oo BBC u waramayay.

Wuxuu kaloo ka hadlay Professor-ka arinta Somaliland, oo uu tilmaamay in iyaduna sahlan xalkeeda hadii nidaamka la raaco oo Cabdi Xaashi loo daayo inuu magacaabo gudiga doorashadda Xildhibaannada G/waqooyi.

“Macquul ma ahan in RW Rooble uu qeyb ka noqdo doorashadda ka dhacaysa Galmudug sidaas si lamid ah ayuuna RW kuxigeenka Mahdi Guuleed uga go’aan gaari Karin doorashadda Xildhibaanada Somaliland,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Cabdi Ismaaciil ayaa sheegay in Farmaajo aysan daacad ka ahayn midnimada dalka iyo xaq-siinta gobollada Waqooyi, oo matalaadoodii dowladda Soomaaliya laga afduubay sanadkan.

Shacabka Soomaaliyeed waxay isha ku hayaan xaaladda cakiran ee dalka ka taagan iyo waxa laga sugayo Madaxweynaha mudo-xileedkiisa labada maalmood uga hartay, oo saacadihii ugu dambeeyay ku dhegan damiciisa meel-marinta qorshaha doorashadda uu isagu degsaday.

Shirka Dhuusamareeb wali waa la isku mari la’yahay, waxaana dooda ugu culus ka taagan tahay cida maamuleysa doorashadda Garbahaarey lagu qabanayo, taasoo Axmed Madoobe iyo Farmaajo isku hayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.