Gollaha Wasiiradda oo dib celiyay Safiiro Farmaajo wato

Safiiradda ayaa waxaa soo xulay Farmaajo, isagoo u xilsaarey Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Maxamed C/risaaq inuu horgeeyo Gollaha Wasiiradda si loo ansixiyo.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Wasiiradda oo dib celiyay Safiiro Farmaajo wato

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa dib loo celiyay Safiiro cusub oo Farmaajo qaab eex iyo qabiil kusoo xulay, kuwaasoo Gollaha Wasiiradda Rooble ay diideen inay ansixiyaan, maadaama ay magacaabistooda hareer-marsan tahay hanaanka awood-qeybsiga 4.5.

Danjiriyaasha oo 12 gaaraya, ayaa waxay badankooda kasoo jeedaan hal beel, oo la sheegay in Farmaajo u u balan-qaadeyay xilal dowladda, balse aan u magacaabin, laakiin doonayo inuu safiiro ku qancinayo.

Wasiiradda ayaa dood ka keenay magacaabista kadib markii ay arkeen liiska shaqsiyaadka ku jira, oo beel gaar ah loogu sed-buriyay, laguna qadiyay qabiiladda kale, taasina ay kasoo horjeedo heshiiska dowladda ku dhisan tahay.

Waxaa kasoo muuqday Safiiradda Axmed Cali Daahir, oo mudo dheer soo ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, C/qaadir Axmed Kheyr, oo dhawaan laga qaadey xilka Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasiirkii hore Cadaaladda Ilka Jiir iyo wiil uu dhalay Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, oo dhalasho ahaan kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa November 2020 tobabaab qof oo ay isku reer yihiin u magacaabey xilal safiirnimo wax yar kahor inta uusan xilka wareejin. [Halkan ka akhri warbixin].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.